Press "Enter" to skip to content

Agaasimaha Hay’adda NISA oo ka qeyb galay shirka Sirdoonka Dalalka Carabta

Baqdaad,(SONNA):- Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, kaas oo ay ka qayb galeen 22 dal, shirkaas ayaa lagu qabtay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Waxaa shirkaas looga hadlay wadashaqaynta, iskaashiga iyo xog isdhaafsiga Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka iyo madax-banaanida dowladaha Carabta iyo caqabadaha amni ee xilligan ka jira, gaar ahaan ka hortagga kooxaha argagixisada ah.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r