Press "Enter" to skip to content

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha guddaha oo kulan la qaatay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, iyagoo ay wehliyaan masuuliyiin kale, waxaana kulanka lagu gorfeeyay arrimo la xiriira iskaashi wadajir ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada maamulka iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan arrimaha federaalka, dhismaha awoodda hay’adaha, iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta. Waxa sidoo kale la isla qaatay is-weydaarsiga khibradaha, taageerada farsamo, iyo iskaashiga horumarineed ee kor u qaadaya adeegyada dadweynaha ee dalka.

Agaasimaha Guud, Mudane Cabdulqaadir, ayaa uga mahadceliyey Safaaradda Shiinaha taageerada joogtada ah, isagoo caddeeyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta iskaashi wax-ku-ool ah oo lagu taageerayo midnimada, dowlad-dhiska, iyo horumarka waara ee Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r