Press "Enter" to skip to content

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la qaatay masuuliyiin ka socota hay’adda IOM, gaar ahaan unugga u qaabilsan Xasillinta Bulshooyinka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac iyo taageeridda hirgelinta barnaamijyada Xasillinta, kuwaas oo mudnaan siinaya gaarsiinta gargaarka degdegga ah iyo adeegyada aasaasiga ah ee loo fidinayo deegaannada dhowaan laga xoreeyey kooxaha argagixisada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada hay’adood, sare u qaadista wada-shaqeynta, iyo dardargelinta fulinta barnaamijyada la xiriira xasillinta, si loo hubiyo gaarsiinta adeegyada lagama maarmaanka ah ee bulshada.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r