Press "Enter" to skip to content

Adeegyo dowladeed oo muhiim ah oo la gaarsiiyey Masagawaa

Galcad (SONNA): Wafdi uu hogaaminayo Xildhibaan Cabdirisaaq Aaden Warsame (Xusul) ayaa maanta gaaray deegaanka Masagawaa oo ka tirsan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga ayaa xariga ka jaray xafiisyada hay’adda aqoonsiga Qaranka ee NIRA, xarunta guddiga doorashooyinka iyo Isbitalka magaalada oo dib u dhis lagu sameeyey, iyadoo la dhagax dhigay Iskuul hoose dhexe oo halkaasi laga hirgalinayo.

Qaybaha bulshada ayaa si weyn u soo dhoweeyey adeegga dowladeed ee la soo gaarsiiyey, kuwaas oo ay hore u codsadeen.

Guddoomiyaha degmada Galcad Ismaaciil Sheekh Axmed ayaa ka mahadceliyey adeegyada dowladeed ee maanta la soo gaarsiiyey, isagoo bulshada ku dhiirrigaliyey inay qaataan Kaarka aqoonsiga iyo kaarka codeynta.

Cabdirisaaq Aaden Warsame (Xusul) ayaa isaguna xusay in wafdiga uu hogaaminayo ay Masagawaa u yimaadeen si looga jawaabo baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada.

 

 

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r