Press "Enter" to skip to content

Aadan Yuusuf Axmed (Aadan Carab)

Aadan Carab wiiluu dhalay ayaa in badan caano isiiyaay ku ooyey markaas ayuu abwaanku damcay inuu tusaaleeyo sabiga in geela iyo caanihiisu aysan ku iman oohin iyo af-kala qaad midna ee ay ku yimaadaan dhaqasho iyo dhac laga soo mooro-duugo kolba ninkii haysta. Wuxuu yidhi: 1. Geel ninkaan dhibaatiyo u gelin dhac iyo boob toona

2. Oon dhaan wareego leh u rarin webiga dhuuxiisa

3. Aan suu dhabbaha ugu taagnaa dhuuban sabarkiisu

4. Oon rareyga dhoomaha u sida boqonta dhiidhiibin

5. Oon hilibka dheecaan ku cunin dhamac intuu saaro

6. Oon wuxuu shul maaxaba jufeyn dhuuba xeradeeda

7. Oon sida dhireed ugu tuman dhaawac iyo meydka

8. Oon goobta kaga soo dhugsiin dhaanto iyo siidhi

9. Oon aan saami dheeraad ku jiro gacanta loo dhiibin

10. Hadduu yidhi dhanaan iyo qabow igu dharaar siiya

11. Anigaa dheg weyn ehe i geli dhiiqo iyo ceebe

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r