Baydhabo-(SONNA)-Wasiirka Xannaanada Xoolaha XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) ayaa deeq xoolo nool ah ku wareejiyey Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida si loogu xoojiyo taageerada iyo niyad-dhiska ciidamada.
Wasiirka oo Wakiil ka ahaa Hoggaamiyaha dowlad goboleedka koofur galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in ay tallaabadani qayb ka tahay dhiirrigelinta ciidamada maaddaama ay har iyo habeen dagaal kula jiraan khawaarijta.
Wuxuu bogaadiyay Wasiirku howsha adag ee ay ciidamadu u hayaan umaddooda taas oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee degaannada koofur galbeed, isagoo xusay in ay sii socon doonto dhiirrigelinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada.


Be First to Comment