-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Cabdirahman Macalim Xuseen u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Dayniile ee G/Banaadir, waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Dayniile laga qaaday Mudane Omar Mohamud Mahadale.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dayniile Mudane Abdirahman Moalim Hussein, in uu mudnaan siiyo harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.


Be First to Comment