Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo Taliyaha ayaa isla falanqeeyey hawlaha khuseeya labada hay’adood, waxayna xuseen muhiimadda ay u leedahay shaqada Ciidanka Asluubta hay’adaha garsoorka.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu Guddoomiyuhu u sameeyey.


Be First to Comment