Muqdisho.SONNA…Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada ee ka howlgala magaalada Muqdisho.
Dhinacyadaasi ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta u dhaxeysa wasaaradda iyo dhallinyarada ,isla markaana loogu diyaargaroobi lahaa xuska maalinta qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed,taas oo ku began 15 ka May.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaalka Wasaaradda ee lagu xoojinayo hoggaaminta ajandaha qaran ee horumarinta dhallinyarada, iyadoo mudnaanta la siinayo wadatashi ka qaybgal dhab ah iyo dhisidda iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya Wasaaradda iyo ururrada dhallinyarada dalka.
Kulankaasi oo ay sidoo kale ka hadleen Madaxa Waaxda Horumarinta Dhallinyarada Ayaan Cabdullahi iyo Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Maxamed Cali Siyaad waxaa intii uu socday la is dhaafsaday qodobbo la xiriira sida ugu habboon ee looga qeybqaadan karo horumarka dalka ,gaar ahaan kuwa khuseeya u diyaargarowga maalmaha qaran ,sida xuska malinta dhallinyarada.



Be First to Comment