Press "Enter" to skip to content

Kulanka Ciidanka Boliiska oo looga hadlay amniga iyo qodobbo kale oo muhiim ah

Muqdisho.SONNA…Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan C/Laahi ayaa shirguddoomiyay kulan todobaadle ah oo loo qabtay saraakiisha  hoggaanada ciidanka Boliiska ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee  dalka,gaar ahaan soo celinta amniga iyo xakamaynta hubka sharci-darrada ah ee lagu dhex wato gudaha caasimadda iyo deegaanada kale ee dalka.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo qaaday sida ay lama huraanka u tahay dib u dhiska iyo casriyeynta xarumaha shaqada ee ay ku howlgalaan ciidanka Boliiska.

Taliyaha Cidanka Boliiska ayaa ka mahadceliyay doorka ciidanka ee ku aadan sugidda amniga,wuxuuna intaa raaciyay in ciidanka Boliiska ay yihiin adeegayaal laf-dhabar u ah shacabka Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r