Muqdisho.SONNA… Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Muqdisho uga qeyb galay kulan lagu soo bandhigay Barnaamijka Farshaxanka Soomaaliya ee (Somalia National Pavilion).
Kulankaan oo ay martigelisay Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda, diplomaasiyiin, bahda dhaqanka, waxbarashada, farshaxanno iyo marti sharaf kale, kuwaas oo goobjoog ka ahaa Bandhigga Barnaamijka Farshaxanka Soomaaliya.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in bandhigaas uu Soomaaliya u yahay fursad u sahleysa in dhaqankeenu uu caalamka gaaro oo loo sharaxo noocyadiisa.
Farshaxannada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay sanadkaan ka qeyb geli doona Bandhigga Caalamiga ah ee Farshaxanka ee Vince Biennale, kaas oo ka dhici doona magaalada Vince ee dalka Talyaaniga.
Bandhiggaan ayaa soca doona bilaha May ilaa November ,iyadoo ay ka qeybgali doonaan In ka badan 90 dowladood oo 13 kamid ah ay yihiin Afrikaan.
Badhigga Vince biennale waa mid soo jireen ah oo soo socday muddo qarni ah,waxaana lagu soo bandhigaa dhaqanka kala duwan ee umadaha ama bulshadaha dunida.



Be First to Comment