Press "Enter" to skip to content

Wasiirka Batroolka XFS oo soo dhaweeyay wafdi ka socday Dalka Turkiye

Muqdisho.SONNA…Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Daahir Shire ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar .

Wafdigaaan ayaa maanta  soo gaaray Magaalada Muqdisho,kadib markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhaweyn.

.Wafdiga ayaa dalka u yimid, si ay uga qeyb galaan munaasabadda soo dhoweynta Markabka qodaya shidalaka Çağrı Be oo shalay ku soo xirtay Dekedda Muqdisho.

Dhinaca kale, Dekedda Muqdisho waxaa goor dhow ka bilaabanaya munaasabadda soo dhaweynta markabka Çağrı Bey, oo si rasmi ah u bilaabaya hawlaha qodista shidaalka Soomaaliya.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r