Muqdisho.SONNA…Hadaladaan ayaa imaanaya xilli maanta xarigga laga jaray dib u habeynta wartii Suuqa Siigaale oo ay dhibaatooyin ku qabeen shacabka ku dhaqan Degmada Hodan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in wajiga labaad ee mashruuca dhagax dhigga biya mareennada Magaalada Muqdisho la bilabi doono bilaha soo socda ,iyadoo gacan laga helayo Dowladda Soomaaliya.
Mashruucaan oo ay si gaar ah u dhaqangalinayaan Xafiiska R/wasaaraha iyo Wasaaradda Maaliyadda waxaa ku baxaya lacag gareysa in ka badan boqol milyan oo doolar.
Mashruuca maareynta biyo fariisiga Muqdisho ayaa lagu wadaa in dhammaan lagu habeeyo goobaha leh biyo qabadka ee Gobolka Banaadir.


Be First to Comment