Muqdisho.SONNA…Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya oo lagu magacaabo “Guney”,kaas oo sumadda tirsigiisu ay tahay IMO 8230417.
Tani waa markii ugu horreysay ee la diiwaangeliyo maraakiibta qaata calanka Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya , iyadoo ujeeddadku yahay xoojinta aqoonsiga iyo maamulidda maraakiibta Soomaaliyeed.
Wasaaradda ayaa ku boorrisay ganacsatada iyo milkiilayaasha maraakiibta inay ka faa’iideystaan fursaddan, si ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka.
Dadaalladaan waxay qeyb ka yihiin qorshaha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo siyaasadda Xukuumadda Dan Qaran, iyagoo taageeraya hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah.


Be First to Comment