Press "Enter" to skip to content

Hay’adda NIRA oo xafiis ka furatay gudaha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle ayaa xarunta Safaaradda dalkaasi ka daahfuray Xafiiska Hay’adda NIRA.

, Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Magaaalada Nairobi ayaa waxaa ka qeybgalay diblomaasiyiinta Safaaradda iyo masuuliyiin kale.

Maareeyaha Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Qaranka mudane Cabdiweli Cali Cabdulle ayaa tilmaamay in shaqada Hay’adda la balaariyay, isla markaana Safaaradda ay noqoneyso tii 30-aad ee ay ka hirgelinayaan Xafiiska Hay’adda NIRA.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa xusay in wixii hadda ka dambeeya ay bulshada Soomaaliyeed fursad u heli doonaan in xarunta Safaaradda ay ka qaataan kaarka aqoonsiga.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r