Xildhibaan Yaasin C/laahi Fareey oo ka mid ah Xildhibaanada BJFS ayaa deeq xoolo ah gaarsiiyay Ciidanka Xoogga iyo kuwa madaniga ee ka howlgala deegaanada kulaala Barigga Gobolka Gaalgaduud.
Deeqdaan oo ka koobnyd boqol neef oo ari ah waxaa loo wakiishay in ay deegaankaasi gaatrsiiyaan Guddoomiyaha Degmada CeeldheerC/axmaan Cumar Axmed iyo Daa’uud Cabdulle Raage oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada ee dhinaca amniga iyo siyaasadda.
Munaasabad kooban oo loo sameeyay guddoonka deeqdaasi xoolaha ah waxaa ka hadkay Taliyaha ururka todobaad ee Gorgor Korneyl Maxamed Macalin Abuukar Shaarib , dhamme Muqtaar Abuukar beergeelle taliyaha ururka sadexaad iyo qaar kamid ah hoggaamiyaasha ururada bulshada,kuwaas oo ka mahadceliyay kaalmada uu soo gaarsiiyay xildhibaan Yaasiin Rareey.
Deeqdaan ayaa qeyb ka ah garab istaagga iyo dhiirigalinta cidamada ku sugan furimaha dagaalka ee lagu ciribtirayo khawaarijta,mana ahan markii ugu horeysay ee deeq xoolo ah ay helaan ciidanka xooga iyo kuwa madaniga ee ka howlgala deegaanno dhaca bariga Gobolka Gaalgaduud.



Be First to Comment