Press "Enter" to skip to content

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo salaadda Ciidul Fitriga la tukaday shacabka Degmada Daarusalaam

.SONNA…Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa boqolaal shacab ah iyo Mas’uuliyiin Salaada Ciidul Fidriga kula tukaday Duleedka Degmada Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa Salaada Ciida kadib khudbad uu ujeediyay bulshada ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul fidriga, asigoona boogaadiyay Ciidamada Qaranka ee u taagan sugida amniga, maadaama amniga uu yahay furaha nolosha, taasina lagu gaaray guulaha laga gaaray la-dagaalanka argagixisada ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ugu baaqay bulshada in la isku gar-gaaro, lana garab siiyo bulshada kuwooda nugul, lalana shaqeeyo laamaha amniga, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Maamulka G/Banaadir uu utaagan yahay sidii caasimadsa dhan weliba loogu horumarin lahaa, hadii ay noqon laheyd waxbrashada, caafimaadka, nadaafadda iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r