Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Bashiir Cumar iyo ku xigeenka safiirka Dowladda Sweden u fadhiya QM Amb Andreas Von Uexkull ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyey kulsn ku saabsanaa sidii loo hormarin lahaa doorka Haweenka ee Soomaaliya.
Kulankaan oo ka dhacay magaalada New York waxaa kasoo qeybgalay oo lagu casuumay qaar kamid ah dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya hormarinta haweenka,iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay xaaladaha ay ku sugan yihiin Haweenka Soomaaliyeed iyo caqabadaha ku gedaaman.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey kulankaasi ayaa warbixiyay dadaallada iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya u qaadday sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka heysta haweenka, isaga oo dhinaca kalena caalamka uga mahad celiyey taageerrada ay u fidiyaan Soomaaliya.
Dhammaan dowladaha iyo hay’adaha kale ee ku sugnaa kulankaasi ayaa Soomaaliya ku boogaadiyey dadaalka ay u gashay wax u qabashada ,gaar ahaan dhanka hormarinta doorka haweenka .



Be First to Comment