Muqdisho.SONNA…Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka Benaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa xalay si wadajir ah u soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee todobaadyadaan ka socday Warbaahinta Qaranka.
Tartankaan oo galay sanadkii 16 aad waxaa ka qeyb galay 32 degmo oo dalka ah,iyadoo barnaamijka sanadkaan si wadajir ah ay u taabagaliyeen Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ka hadlay xafladdi xiritaanka ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan tartamayaasha kala galay kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3aad, isagoo xusay in muddadii uu tartanka socday laga qoray buug.
Agaasimaah guud waxa uu sidoo kale u mahadceliyay howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan kuwa Warbaahinta Qaranka oo har iyo habeen u taagnaa taaba gelinta tartanka, isagoo Alle ka baryay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo barwaaqo
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka Benaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh isna ka hadlay xafladdaasi ayaa tilmaamay inay tahay wax weyn in 32 degmo loo qabto tartan aqoon kororsi ah, wuxuuna xusay in barnaamijkaan uu yahay mid kor u qaadaya aqoonta dhallinyarada ,isla markaana dhiirigalinaaya in lagu baraarugo waxbarashada,gaar ahaan ubadka ama ardayda oo ah mustaqbalka dalka.
Xafladdii xiritaanka waxaa kaloo ka hadlay Shuceyb oo ku hadlayay magaca IBS Bank iyo Qaar ka mid ah tartamaayashii kaalimaha koowaad iyo labaad ka galay tartanka
Dhinaca kale Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa ku guuleystay kaalinta koowaad ee tartan cilmiyeedka Ramadaan ee ka socday warbaahinta qaranka,kadib markii ay 12 dhibcood kaga adkaadeen Degmada Gubadleey oo heshay 8 dhibcood.



Be First to Comment