Press "Enter" to skip to content

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah

Muqdisho.SONNA…Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay cutub kamid ah ciidanka oo loo qaadayo tababar xagga dibadda ah ayaa ka waramay ahmiyadda tababarkasi aqoon kororsiga ah uu u leeyahay ciidanka dalka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in looga soo dhalaalo barashada aqoonta ee loogu talagalay in lagu dhiso xirfadaha ciidanka.

Taliyaha ayaa xusay in cutubkaasi ay soo qaadan doonaan xirfado ku saabsan barashada Madallaadka ama waxa loo yaqaanno adeegga isticmaalka baarashuutka ee looga soo dhaadhaco gaadiidka cirka,gaar ahaan diyaaradaha ciidamada.

Taliyaha Ciidanka ayaa qiray in tababarkaasi aqoon kororsiga ah uu yahay mid culus oo u baahan ad-adeeg iyo dulqaad,isagoo dhinaca kalena faray in waji furfuran ay kula dhaqmaan ciidamada shisheeye ee ay la qaadan doonaan tababrkaasi.

“Waa muhiim in aad go’aamisaan fursadaha ay heli doonaan ciidanka idinka dambeeya ee loo qaadayo dibadaha”sidaasi waxaa yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r