Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Muqdisho.SONNA…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee marxuum Janaraal Maxamed Cali Abokor oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa sarkaal muddo dheer u soo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, isla markaana ka qayb-qaatay dadaalladii lagu tayeeynaayey ciidamada Soomaaliyeed,kaas oo soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray eheladii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka, isaga oo Alle uga baryay inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladiisa iyo guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r