Press "Enter" to skip to content

Maamulada warbaahinada ee hey’adaha dowladda oo yeeshay kulan la xiriiray xaaladda abaaraha

Muqdisho.SONNA…Maamulada warbaahinada ee he’yadaha dowladda ayaa ka qeybgalay kulan ka dhacay xarunta Hey’adda SODMA oo looga hadlaayey xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka iyo sida gacan looga geysan karo dhinaca wacyigalinta bulshada.

Kulanka oo ay soo xaadireen agaasimeyaasha iyo  uqaybsanayaasha warbaahinta waxaa soo qabanqaabiyey Xafiiska Warbaahinta ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliy.

Kulanka waxaa furay Agaasimaha Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha ahna Afhayeen Xukuumadda Mudane Abdinasir Ahmed Bashir,iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray warbixin ka hadleysa  xaaladda abaaraha dalka oo ay soo diyaariyeen hey’adda SoDMA.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo shir-guddoominayay kulanka ayaa soo xiray gunaanadka shirka isagoo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo warbaahinta ,si loo wacyigeliyo bulshada ,isla markaana loo dardar-geliyo gurmadka Abaaraha.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r