Press "Enter" to skip to content

Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray doorashada golaha deegaanka

Muqdisho.SONNA…Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan ayaa maanta si rasmi ah u furay doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha oo ay garab taagan yihiin saraakiisha sare ee Ciidanka Boliiska ayaa la hadlay shacabka ,isagoo sheegay in bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir ay fursad u heleen in ay doortaan gole deegaan oo matali doona horumarka degmadooda.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan waxa uu ka codsaday dadweynaha in laga faa’ideysto fursaddaan qaaliga ah ee ay ku dooran karaan cidda ay u baahan yihiin.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ciidamo boliis ah oo gaaraya 10 kun ay u howlgaleen sugidda amniga iyo gacansiinta shacabka doonaya in ay dhiibtaan codadkooda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r