Press "Enter" to skip to content

Qoysas ku sugan Buur-hakaba oo loo sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirta gudaha iyo daafaha degmada Buurhakaba ayaa lagu soo waramayaa in ay saameyn ku yeesheen nolosha boqolaal qoys oo danyar ah.

Illaa 400 oo qoys oo ku jira Kaamka Kor-um-boodi ee degmada Buurhakaba ayaa helay deeq biyo dhaamin ah oo ay ka dambeeyeen maamulka degmadaasi oo gacan ka helay madax Hey’adda Jawaari Foundation Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Qaar kamid ah qoysaska ku barkacay gudaha degmada Buurhakaba ayaa ka mahadceliyay bixinta deeqdaasi biyaha ah,iyagoo codsaday gargaar bini’aadanimo oo dheraad ah sida cunto,dhar, gogol iyo bacaha laga sameeyo guryaha .

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r