Press "Enter" to skip to content

Qunsulka Soomaaliya ee Jiddah oo la shiray dhiggiisa dalalka Türkiye ,Iraq iyo Brunei

Qunsulka Guud ee Dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudi Carabiya Mudane Cabdi Wali Xirsi Cabdulle  ayaa kulamo muhiim ah la-yeeshay dhiggiisa dalalka Türkiye ,Iraq iyo Brunei.

Qunsulka Soomaaliya oo ay kulankaasi ku wehelinayeen xubno sare ayaa kulamo kala gaar h la qaatay Qunsulka Turkiga ee Jiddah Mustafa Unaal,kan Ciraaq Mustafa Alshaayic iyo sii hayaha qunsulka Brunei Farxaan C/Qani,

Dhinacyadaasi ayaa ka wadahadlay qodobbo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka wada shaqeyned ee dalalkaasi,isdhaafsiga ganacsiga iyo kuwo kale oo la xiriiray xagga maalgashiga.

Kulamadaasi ayaa sidoo kale loogahadlay dardargalinta iskaashiga sadexda dal iyo sida loo abuuri karo fursado shaqo oo wax u tara bulshada Soomaaliya,gaar ahaan jiilasha cusub ee sugaya mustaqbalka wanaagsan.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r