Press "Enter" to skip to content

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Malaysia

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Dalka Malaysia Datuk Suhaimi Sulaiman.

Kulanka dhinacyadaasi oo ka dhacay dhismaha xarunta warbaahinta wadanka Malaysia (Menara Angkasapuri) ,waxa uu Agaasime Cabdullahi Xayir uga warbixiyey shaqada Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed sida SNTV, Radio Muqdisho, Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA, Wargeyska Dalka iyo Wakaaladda Filimada, isagoo sharaxaad dheer ka siiyey doorkooda muhiimka ah ee warbaahinta Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa kaloo ka qeybgalay xubno kale oo ay kamid ahaayeen Mudane Za’aba Hj Abu Bakar oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Qaybta istiraatiijiyada iyo isgaarsinta Shirkadaha (KS), Kaaliyaha Xoghayaha Siyaasadda iyo Qeybta Caalamka, Wakiilo ka socda Wakaalada Filimada FINAS , Wakiil ka socda PERNAMA iyo dhammaan Agaasimayaasha (RTM).

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r