Press "Enter" to skip to content

Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa maalinimadii shalay oo Khamiis aheyd si adag u cambaareeyay weerar ay dadka Israa’iil ku qaadeen masaajid ku yaal Daanta Galbeed ee la haysto.

Afhayeenka xoghayaha guud Stephane Dujarric oo soo gudbiyay warbixinta xoghayaha ayaa yiri “”Goobaha diinta waa in la ixtiraamo oo la ilaaliyaa mar walba”, isagoo intaa ku daray in aan la aqbali Karin falalka rabshadaha wata ee  lala beegsanaayo  goobaha diimaha.

“Dhacdooyinka noocan oo kale ah waa qayb ka mid ah rabshadaha sii kordhaya ee ay keenayaan xagjirnimada,waana in isla markiiba la joojiyaa,” ayuu yiri afhayeenka.

Xukuumadda Israel, waxaa loogu baaqay inay ilaaliso dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ,isla marakaana lala xisaabntamo kuwa mas’uulka ka ah weerarka lagu qaaday masaajidka Deir Istiya ee ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r