Press "Enter" to skip to content

Soomaaliya iyo Congo oo ka wadahadlay qodobbo ku saabsan xiriirka 2-da dal

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa magaalada Kinshasa ee caasimadda Dalka Congo kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Congo ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Jacquemain Shabani.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, fursadaha iskaashi, doorka jaaliyadda  Soomaalida ,gaar ahaan sida loo xallin karo caqabadaha ay la kulmaan.

Kulanka ayaa mudadii uu socday waxaa lagu heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC).

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r