Press "Enter" to skip to content

Hey’adda Socdaalka oo daahfurtay tababar la xiriiray sugidda xuduudaha dalka

Qeybtii 2aad tababar aqoonkororsi ah oo ku saabsan Isbarbardhigga qiimeynta sugan ee aqoonsiga rakaabka ayaa maanta Magaalada Muqdisho loogu qabtay qaar kamid ah saraakiisha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Tababarkaan oo ay iska kaashanayaan Mareykanka iyo Soomaaliya waxaa mudada uu socdo looga hadlayaa awood siinta saraakiisha ee dhinaca sugidda xuduudaha dalka

Tababarkaan waxaa xubnaha saraakiisha ee ka qeybgaaya aqoon kororsihaan uu ka saacidayaa in lala socdo dhaq-dhaqaaqa socodka dadka ee dhinaca xuduudaha

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa maanta si rasmi ah u furay wajigii labaad tababarkaan aqoon kororsiga ah,isagoo kula dardaarmay saraakiisha in casharada ay qaadan doonaan ay ku dabbaqaan shaqadooda.

Tababarkaan waxaa sidoo kale lagu baranayaa kahortagga dukumiintiyada been abuurka ah ,halka macaslimiinta wax ka dhigaya uu kamid yahay  Agaasimaha PISCES ee Soomaaliya Redny Paris.

Bishii Juun ee la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisgo lagu qabtay qeybtii koowaad ee tababarkaan,kadib markii Soomaaliya ay qeyb ka noqotay nidaamka PISCES ee dalalka sugaya xuduudahooda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r