Maxamed wuxuu jiiftadan jacaylka ah tiriyey May 20, 2002. Wuxuu yidhi:
·Jacaylkii gurnaayee
·waayuhu gadoodsheen
·Ayaan gacalo-nuuraay
·sida geel haleela ah
·gorofyada u hoorshaa
·Yuu gaagixin isleeyahay
·gammaantii haweenkaay
·kumma gooynin waligeey
·kugumana gaboodfalin
·galab iyo ayaan nool
·waxaa garabka ii suran
·go’ankeygu uu yahay
·himmiladii kalgacalkood
·igu garab istaagtaa
·goolkaan higsanayana
·waa guri barwaaqiyo
·guur loo dabbaaldago
·Ganaanoo biyaha rogay
·garaaskiyo caleentii
·dacalada gadaameen
·ubax wada girgiirana
·ka cayaara geeddada
·gabbaldayihi beermoo
·quruxdiisa gaarka ah
·cadceeddu ay isgaadaan
·gacankiisa mooskuna
·markaa garaw casuur yahay
·oo sugaayo gu’iddii
·sidaad Genyo ugub tahay
·laga dhoowray gaajoo
·gagi wacan bariisani
·goortaan ku eegaba
·gantaalada jacaylkaa
·ganka iyo halbowlaha
·guba oogadeydoo
·goolkaan higsanayana
·waa guri barwaaqiyo
·guur loo dabbaaldago.
·Waxaad laabta galisaa
·giddigood gabdhaha kacay
·inaan kaaga soo go’ay
·u go’doomay aawgaa
·dadna gayiga kuu xigo
·guduudkiisa waagiyo
·ubax gacan ku yaalaay
·sidaad goray-haldhaa tahay
·gaardiskiyo tallaabada
·gacmahaaga dhaadheer
·timmaha garabka dhaafeen
·indhahaaga goodka ah
·heybaddaada gaarka ah
·gaaridaan jeclaayeey
·cishqigaan i galawsaday
·ka abuurmay gacalooy
·goolkaan higsanayana
·waa guri barwaaqiyo
·guur loo dabbaaldago
·Godolqaad jacaylkii
·gaawahaan u culayaa
·wakhtigaa isgurayoo
·gooreey ahaataba
·waan gaari doonnaa
·gundhiggeeda sheekadan
·mirihi iyo garaadkaa
·naga kaafin gaajada
·xajadii gurracantaa
·guurtidaa gorfeeyaan
·gacalkii isdoortana
·calafkaa gargaaraa
·godcurkuna dam weeyee
·qofkii uu go’doonshaa
·dayaxaa gargaaraa
·inaan gacanbidxeyn wado
·ha u qaadan gabadhyahay
·qalbigaaga yay galin
·goolkaan higsanayana
·waa guri barwaaqiyo
·guur loo dabbaaldago
·Hadafkeyga gaarka ah
·gurmadkaan u soo kacay
·intaan soo gunaanadi
·gurigeena kheyrka leh
·Genyo nabad ku sii joog
·geeraaradeydiyo
·dugso gabayadeeydoo
·gufaacadiisa caashaqa
·halka guban ku daawee
·waxaan gacaladeeydaay
·Guulla nooga tuugaa
·galbis iyo aroos galab
·gadaalsamo ayaan wacan
·inaan goor-dhaw huunooy
·maqlin geeridaadii
·goolkaan higsanayana
·waa guri barwaaqiyo
·guur loo dabbaaldago
·Guhaad-olalka iga daa
·haddey geeri nagu dhicin
·Rabbi gacan na siiyaa
·waan dadabgaleeynaa
·wabigii kalgacaladaad
·gororkiisa malabka ah
·ku dabiibi gaajada
·galiilyadiisa caashaqoo
·mar baan kuu abaalgudi
·gogol ila wadaagiyood
·guri igala toosiyood
·Geeddi iyo Gammaaniyo
·Guushaar ii xambaariye
·ha guguban anoo nool
·goolkaan higsanayana
·waa guri barwaaqiyo
·guur loo dabbaaldago
·Innagoonan gurigalin
·gacalooy isguursanin
·oon timma-gardhaaleey
·jacaylkii guyaal jiray
·geeddi-socoshadiisii
·aan gabagabeynoon
·ka gungaarin ballankii
·geed iyo guntii noqon
·isu goohin aayaha
·gurigeenna lagu dagin
·gobannimo is weheshanin
·Alloow geeri naga qabo
·godka lamma huraayee
·na gardaadi Eebboow
·ganta doonta nala qabo
·goolkaan higsanayana
·waa guri barwaaqiyo
·guur loo dabbaaldago.
·Caashaqaa ku galayeed
·la gucleyni goolmoon
·anna wuu i gawracoo
·huunno labada gallin tuna
·ma dhammeysta gama’ oo
·goor iyo haddeertaba
·ma gaaxigo afkeygoo
·gabayada jacaylkaan
·inta garab ku duushiyo
·Gorgorrada u dhiibaa
·gaadhsii iraahdaa
·haku gama’da luuqdee
·goobta aad ku nooshahay
·goobroon Gaaris weeyoo
·waa guri xariir iyo gacan
·loo dalxiistagoo
·gacalkuna ku badanyahay
·anna gogol shisheeyeey
·dabeyluhu i gubayaan
·goolkaan higsanayana
·waa guri barwaaqiyo
·guur loo dabbaaldago
Be First to Comment