Press "Enter" to skip to content

Kulama Dooneyn

The largest online collection of Somali poetry

Jiiftadan waxaa curiyay Abwaan Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza]

taariikhdu markay ahayd July 21, 2003 asagoo kula hadlayay gabadh ay aad isugu dheeraan jireen muddana ay sheeka wadaag lahaayeen, balse uu

Aabbaheed nin siiyay. Ninkaasoo ka yimid dibadda dalka.

Sow kulama dooneyn

inaan deyr-rin-geel-dhalay

xigti kuu dambariyaa

Sow kulama dooneyn

dumar adiga oo qura

inaan daadaheeyaa

Sow kulama dooneyn

inaan dadabgalnaayoon

dammaashaad aroos wacan

dusha ubaxyo kuu suro

Sow kulama dooneyn

inaad Deeqaluul iyo

Daahir ii xambaartaa

Sow kulama dooneyn inaan

guri dugsoon iyo

daarad wada caweynaa

Sow kulama dooneyn

dakharkii sabyaannimo

dib u gocoshadiisii

inaan kaa daryeelaa

Sow kulama dooneyn

illaa duugta ka horoow

inaan kula dakeeyoo

nafta kugu dabraayoon

dugaal kuu ahaadaa

Sow kulama dooneyn

dooxada Lagdheeraa

oo gugu ku da’ayoo

daran lagu kifaaxiyo

dhulka doog ku sarakacay

daacdadana xareeddii

iluhu ay durdurayaan

inaan kula dalxiis tago

Sow kulama dooneyn

dixda geelu daaqiyo

Daadquraan dul iyo Hawd

Daas iyo Harbooliyo

Doolliyo Wardheer iyo

dacalkeeda Dhagaxbuur

dagin-samo Hargeeloo

dirirkii ku daahfuray

duleedkana barwaaqada

indhuhu kugu diraandiri

manka lagu ildoogsada

inaan daawannaa ubax

Sow kulama dooneyn

dagalkeenna hodanka ah

daankii shabeelliyo Jubba

labada doon-raac

dalsankii Buaaliyo

dalka lama huraanka ah

dihintii Kismaayood

inaan kula dagaayoon

daarna kaaga taagaa

Sow kulama dooneyn

daraasiyo tacliin sare

darajiyo wanaag badan

Sow kulama dooneyn

darmaantii haweenkiyo

inaad dowlad noqotaa

Sow kulama dooneyn

dharka caynkaad dammacdiyo

inaan dahabna kuu gadoon

ku dammaanadqaadaa

dar-Allee xannaanada

Sow kulama dooneyn

diiftiyo dhibaatada

iyo daalka hadimada

inaan kaa dabiibaa

Sow kulama dooneyn

inaan wada dabbaanaa

dulucdii kalgacalada

Sow kulama dooneyn

Daa’uus sidiisii

inaan wada daanshaynaa

Sow kulama dooneyn

daafaha adduunyada

inaan wada dubaaxnaa

Sow kulama dooneyn

waagii dillaacaba

inaan kula dardaarmaa

Sow kulama dooneyn

intaan dunida joogeey

dabayluhu i marayaan

ducfi iyo waxyeelliyo

inaadan dacas ku noolaan

Sow kulama dooneyn

dibindaabyo iyo hagar

inaad daa’in ciishoon

Sow kulama dooneyn

murtideyda doorka ah

inaan kuugu dawgalo

Sow kulama dooneyn

dammiirkaagu wuxuu rabo

ama dookhu jecelyahay

inaan baadi-doonaa

Sow kulama dooneyn

inaanan dakano kaa galin

adna aad dammiin noqon

Dad horaan siduu yidhi

waxaa jira nin-door ahooy

dantu ceeb u yeeshee

waxaa taa daliil u ah

markaan yara dalleensamee

dabayluhu i liicsheen

ama aan danteenniyo

aayaheenna daahsoon

dibad ugu socdaal tagay

inaan doona inanyahay

nolal tani ka doorroon

Aabbahaa nin kugu daray

adna diiday aad oran

Diricnimo garaad sare

dabci igama fiicnee

waxaa laabta kuu dagay

doolar baa wax kuu tari

Balse waad ilduuftoo

wacadkina duleed baad

dugaag oogu loogtee

marna degin ma dheeride

dummaashiyey nasiibkaa

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r