Camanje Yogol wuxuu ahaa gabayaa muctarif ah oo tixihiisu ku baaheen aadna looga xiiseeyo dhammaan degaanada Soomaalida Galbeed, kuwa Waqooyi iyo inta la ollaga ah. Sidoo kale Camanje wuxuu ahaa aftahan geed-ka-hadal, nin kaftan badan oo ragga ay isu gabyaan kaftan kale oo caadi ahi u dhexeeyo iyo nin miyi iyo magaalaba ku dhaqan oo labada nololoodba ehel u ah.
Marbay waxay kaftameen niman reer bari ah oo askar Talyaani ahaa oo Jigjiga yimid xilliggii Talyanku Itoobiya qabsaday. Kaftankii hadalka caadiga ahaa ayaa gadaal mid gabay isu rogoy. Camanje nimankii gabay kulul ayuu u mariyey, waxaana gabaygaa naga soo gaadhay meerisyadan hoose. Wuxuu yidhi:
-
Namiimnimo Majeerteen miyaan wali ka niibkeenin
-
Ma nifaaqii oo buuxiyuu xalayto nooleeyey
-
Naxliga iyo nuxuustii miyaa naari soo kiciyey
-
Nasri miyuu ka sugi Eebahay saw ma nici doono
-
Iyagiyo Namruud saw Janadu kama nijaasoobin
-
Nayroobi iyo Xamar horraad nag uga siiseene
-
Dhulbahantaa naflaha kuugu xigga nabadse kaa waaye
-
Warsangalina nabarkaad barteen nadigu iimeeye
-
Adduunkii nagaa idinka iyo naagahaa rogaye
-
Nasabkiinu meel buu ahaa nuridu waa iine
-
Nacallaa Majeerteen ku yaal nolol ma haystaane
Waxaan u malayn in odayga laga xanaajiyey kolka uu gabaygan marinayey.
Be First to Comment