Press "Enter" to skip to content

Yaa i kaa Baray

The largest online collection of Somali poetry

Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza] wuxuu heestan curiyay September 20, 1999. Waana hees daadis ah. La qabso. Wuxuu yidhi:

    ·Baryahaan haweenkaba

    ·ballan nama dhaxtaaloo

    ·waan kala baqoolnaa

    ·bas baan idhi jacaylkii

    ·iyo barashadoodii

    ·kuuma baahni inanyahay

    ·waxaad iila bilic tahay

    ·bakhtigooda xoolaha

    ·ku bidhaanshay gabadhyahay

    ·dumar baabka aa tahay

    ·bil horaan ogaadoon

    ·ka baaraandagoo nacay

    ·beerjileeci mahayoo

    ·buseylkii kalgacalkana

    ·ka balfiyay nafteydoo

    ·sammahiina baayacay

    ·barri, maanta iyo shalay

    ·iyo bila damboo maqan

    ·batarkiyo caweyskiyo

    ·bandhiggiyo cayaaraha

    ·inaan wada barjeeynaa

    ·baacuggaaga yey galin

    ·beerlaxawsigaagana

    ·ku badbaadi meysidoo

    ·bari hore ninkaa tagay

    ·ragga laguma buuqee

    ·Billaahiye ka waajee

    ·baroortaada ila dhaaf

    ·Baxsigaan sammeeyiyo

    ·baaritaanadeeydii

    ·bayaankii siduu yidhi

    ·basariyo waxaa tahay

    ·baali laga hayaamoo

    ·bidhaan aragtidaadeey

    ·indhuhu igu bukoodaan

    ·baysaaniga hablaha kacay

    ·baladkeenna joogaan

    ·kummaan kaa bidhaan wacan

    ·oo wada bulshaawi ah

    ·baxaaliga qureesh iyo

    ·baatir aragtideeda leh

    ·raggu baadigooboo

    ·bureeqooy la leeyahay

    ·ayaan barashadoodii

    ·beylahoon huruufoon

    ·bayaxoon ku dhaafee

    ·adoo bahalhiglaha iyo

    ·bah-dugaagta shaaboho

    ·horta yaa i kaa baray?

    ·Badoow lama jeclaadoo

    ·looma beernuglaadoo

    ·ballan wacad Ilaaheey

    ·tii loogu bogi jiree

    ·ee baxnaanisaayee

    ·baanataana ma ihidee

    ·bihaanbihiska beenta ah

    ·boqonta ha igu heerine

    ·Billaahiye ka waajee

    ·baroortaada ila dhaaf

    ·Bahal kuuma loogeen

    ·baahida kalgacalkana

    ·Baxsan kuguma dhaafeen

    ·jacayl waa balaayoo

    ·bukaan halis ah weeyee

    ·kuuma beyleheen cadaw

    ·bayuur kuma iraahdeen

    ·haddaad tahay mid baari ah

    ·bidhaan iyo asluubba leh

    ·baraaraha timmaha higil

    ·baroor midab Gammaan iyo

    ·Baqalkiyo Fardaha qaar

    ·Biciid eegmadiisa leh

    ·bilnaan loogu dawgalay

    ·inkastood bastaa tahay

    ·bilaash kuuma diidine

    ·Baxsan adiga kheyrkaa

    ·iyo boqol kaloo yidhi

    ·iney ii bukoodeen

    ·bari kala ahaanoo

    ·haweenkaba ma beegsadoo

    ·lamma baaramee garoo

    ·jacaylkana bir iyo dhagax

    ·biyo-kulul isaga meyr

    ·Billaahiye ka waajee

    ·baroortaada ila dhaaf

    ·Inaa tahay mid badhan baan

    ·inanyahay buruufoo

    ·baaxadsoorahaan tagoon

    ·ku ballaarshay milicdii

    ·naxariis barkaaga ah

    ·Billee igama dhaadhicin

    ·bagaan hadalka kuu idhi

    ·waana siduu u soo baxay

    ·baajin iyo ka noqod ma leh

    ·balaliyo turaal ma leh

    ·barqinkiyo habeenkii

    ·waa adigan basaasee

    ·birmanaaya waa nool

    ·boholyoow ku daashadee

    ·baafineysa inanyahay

    ·barti aan caweeyoon

    ·ku bariista bari qura

    ·bakaalkiyo dusaaguna

    ·kugu waabariistaan

    ·ood isbeegsataanood

    ·ku barooraneeysee

    ·ha iga sugin baraar iyo

    ·bari-sammo ayaan wacan

    ·inaan baaq dhambaalada

    ·Baxsan kaa aqbala oon

    ·bogga kuu salaaxaa

    ·Billaahiye ka waajee

    ·baroortaada ila dhaaf

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r