Gabaygan waxaa curiyay Abwaan Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza.]
Taariikgdu markay aheyd July 22, 2003. Waa gabay waddani ah, wuxuuna
taabanayaa dhammaanba dhulka ay dagaan shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuuna ka turjummayaa hodonnimada, bilic-samida iyo barwaaqonimada dalka. Wuxuu yidhi:
1- Daahiroow da’dii gabay dayacay, dabin ma haasaawin
2- Indhaweedba waa kaan ku digan, eenan darandoorin
3- Hayeeshee dammiirkaa i yidhi, Diiriyoow curiye
4- Dubaakhana wuxuu igu dirqiyay, shacabka deeqsiiye
5- Daruur gugacday deyr hoortay iyo, dirir-qayoonaayo
6- Amma danab dabayl iyo hillaac, dul isku saynsaabay
7- Amma roob dufaan culus watoo, dunida maansheeyay
8- Amma doog baxaayiyo sidii, dhado darooreyso
9- Amma daaq indhuhu daawadaan, dihinta ciiddeena
10 Amma ubax dillaaciyo sidii, daran dul caygaagto
11 Ama dahabka ceynkiisa iyo. dayax sagaalaad ah
12 Amma wabi biyaha daacayoo. dan u karaardhaafay
13 Amma darrin barwaaqadu dagtoo, lagu dammaashaado
14 Amma doowlad iyo qaran dastuur, dunidu raacayso
15 Amma daawo lagu diirsadoo, lagu dikaan suulo
16 Gabaygeygu waa door manfacaa, loogu dawgalaye
17 Sidaa iyo darteed dantiyo, adabka daabuula
18 Dulucdiyo u-jeeddada murtida, daymo-harareeyo
19 Dadkayagoo dowgoodii garteen, dacas ma gaareene
20 Aniguna nindoor baan ahaye, dan imma ciisheene
21 Duhur iyo habeen nool qalbiga, imma dillaaceene
22 Gudcur daaha soo rogay hurdadu, igama duusheene
23 Anigooy da’dayduba yartahay, gabay ma duubeene
24 Intaan ciil dibnaha calashadaa, subax ma diideene
25 Kummaan beesha daadihi lahaa, dibad ma meereene
26 Kunna doonta quustiyo kummeey, dageen xeebe
27 Kunna saxaraha dadabka weyn, dugaag kumma casheeyeene
28 Dammiir li’ida dadkeyguu qalbigu, ila dubaaxshaaye
29 Diinaahyada waxaa iigu wacan, diifta iyo ceebta
30 Soomaali wey dammantohoo, maba daliilyooto
31 Waa qoom dammiin wada ohoon, garan dantoodiiye
32 Ma dareemayaan ducfigiyo, doogta nagu taala
33 Dawarsiyo waxey doorbideen, dibad u yaaceede
34 Dalkayagu inuu dadanyahaan, idin dareensiine
35 Dirirdhabo Dannood iyo Hargeelliyo, dagalka Shaygoosh ah
35 Daharriyo Shilaabiyo rugtaa, geela badan daaqo
36 Degin-sammo Afdheer iyo, Dooloow dhinaceeda
37 Docda kala Mandheeriyo halkaa, dheeman lagu duugay
38 Dallahelay Wajeertaa dugsoon, dulucda Mooyaale
39 Halkuu gaalku nagu dilahayee, nagu dabsaaraayo
40 Kummanaan nindoorra ah halkaa, jeelka lagu daayo
41 Darrinkii Marsabid iyo halkey, dammacday laabteydu
42 Siyeeloow dixdeediyo halkuu, dahabku noo yiilay
43 Dooxada Lagdheeraa iyo, wabiga diishiisa
44 Gaarisiyo dalkeygii wacnaa, Laamo dacalkeeda.
45 Jubba labada daanyood halkaa, dooggu darameystay
46 Daafaha Bu’aaliyo halkaa, diinta lagu oogo
46 Daaskii Kismaayiyo illaa, daanka Baladweyne.
47 Amma dooxa Bay iyo Bakool, daginka kheyraadka
48 Daashkeeda Baardheera iyo, dalaska Boosaaso.
49 Dalxiis wacaney Hargeysiyo, tan iyo Daratoole
50 Darrinka Cerigaabo iyo Nugaal, malabka noo daadsan
51 Daawashada u rooneey Goldogob, baladka Daauuska
52 Halkuu farasku noo daaqi jiray, saban daraawiishki
52 Haddana uu tolkeey dagan yehee, dammalku ii yiilo
53 Beerdhigo darkeediyo illaa, Daalo iyo Howdba
54 Ceelbur bal daawadaay, dagin-wanaaggeeda
55 Ku ildoogsadaay Xamar bal dayo, dararta naaskeeda
56 Iyo dacalada dalkoo idil, oonan wada dooxin
57 Dib u milicsadoo wada darsaay, dagalka muuqiisa
58 Dockastaba bal diirdhuuxa, doogga lagu dheehay
59 Dibad iyo kob lagu doorsadaan jirin, deeqa-badanoowe
60 Meel lagu dagaalaba ma aha, doqon unbaa mooge
61 Dareyskeeni weeyaan bilnaa, daa’in abidkiiye
62 Qalbigaygu wuxuu doonayaa, inaad wada dareentaane
63 Halyey gabayga daacaa dacmiya, Deeqa-tima-dheere
64 Duufaan dabayl iyo ma laha, cudurka daacuunka
65 Hooyo weeyo dugsigiisa, waa lagu dakeeyaaye
66 Ka difaaca dulanka-gaaladoo, ceebtana u diida
Be First to Comment