Jiiftadan wadaniga ah waxaa allifay Abwaan Maxamad Cabdiqaadir Daa’uud
[Stanza] August 08, 2002. Wuxuu yidhi:
-
Bu’aalaay waxaa tahay -
-
beertii dalxiiskiyo -
-
madashii barwaaqadoo -
-
beyd loo buseyliyo -
-
waxaa tahay bad aan gurin -
-
-
nimcadu ay ku badan tahay -
-
billad iyo ileyseey -
-
hooygii bilnaayee -
-
la’igu soo barbaarshaay -
-
bidhaan qurux wanaageey -
-
adaan baraf waxgeystiyo -
-
laheyn boor markaa kocoo -
-
bookh iyo man iyo ubax -
-
sahuur wada bilcamayaay -
-
kaa dheer dhib iyo baas -
-
Alloow aadan bukoon abid -
-
kaa dabool balaayada. -
-
-
Beerahaaga dihinee -
-
badarkiyo haruurkii -
-
baahida daboolaan -
-
kheyraadka kugu badan -
-
bidhaantaada luulka ah -
-
biyahaaga miirta ah -
-
bashaashta iyo malabkiyo -
-
caanaha bowdka lagu qubaa -
-
baladkii wacnaayee -
-
bisin lagu gardaadshaay -
-
baaddil laga ilaalshaay -
-
qofkii kugu bariistoo -
-
bilicdaada daawada -
-
boholyoowga ciilkiyo -
-
hadimadaa ka baydhaa -
-
ka babcani bushiyo cudur -
-
Alloow aadan bukoon abid -
-
kaa dabool balaayada -
-
-
Badan qurux Bu’aalaay -
-
balad loo duceeyaay -
-
baabkii iftiinkiyo -
-
waa soo baryaayaay -
-
ubax wada bikaacaay -
-
buddhiggii waxaa tahay -
-
beesha iyo walaalaha -
-
bidhaan aragga oo qura -
-
beerkaa ku naaxoo -
-
indhahaa ku baansada -
-
jawi baarid ohoo wacan -
-
neecaaw biyiyo badar -
-
baad iyo ugbaad ay -
-
inta baal ku duushiyo -
-
Balambaalis midabba leh -
-
bahaladu ku raystaan -
-
Allaa kuu bahjooyoo -
-
barrin nabad ah baa tahay -
-
Alloow aadan bukoon abid -
-
kaa dabool balaayada -
-
-
Baladkii kalgacalkaay -
-
booskii jacaylkiyo -
-
xaqa lagu badbaadshaay -
-
baatirtii dalkeeygaay -
-
dooxadii bilneeydeey -
-
kugu badan dhir iyo baar -
-
dheelli daaq ka beermiyo -
-
suubaan birqeysiyo -
-
cambo baraf dhiggiisii -
-
ku qabooba beerkaay -
-
cadceed soo baxeysiyo -
-
bidhaantiisi nuurkaay -
-
bil-ciideed la sugayaay -
-
bartii aayatiinkaay -
-
baro lagu dakeeyiyo -
-
gayigii baraartaay -
-
baacuggiyo halbowlaha -
-
beerka xididadiisii -
-
badankeyga oo idil -
-
bardhin baad ku leedahoo -
-
biyahaagu waa dawo -
-
baadkaagu waa malab -
-
bidhaantaadu waa dahab -
-
buyuudaadu waa harac -
-
beeshaadu waa unug -
-
iyo gacal isbiirsadoon -
-
kala beyrin waligood -
-
beerkii wax-garadkaay -
-
Alloow aadan bukoon abid -
-
kaa dabool balaayada -
-
-
Wabi baaxad weynoo -
-
biya wixii ku noolaa -
-
bad-joogtu ay ku badan tahay -
-
baanka cirifyadiis -
-
buuxsheen man iyo bookh -
-
baaleyda haaddiyo -
-
Biciidka iyo Deerada -
-
barqadii duljoogaan -
-
baryo loo dalxiis tagoo -
-
loo bogaadiyaa tahay -
-
biriij laga macaashiyo -
-
baro awliyaadeey -
-
goobtii birqeysee -
-
bogga iga tiilaay -
-
waagii baryaayaba -
-
Alloow yaa ku booqdoo -
-
basarkaaga milicsadoo -
-
kaa baanta dhiiladoo -
-
bandhiggiyo cayaaraha -
-
kugu waabariistaa -
-
Alloow aadan bukoon abid -
kaa dabool balaayada -
-
-
Madashii barbaartaay -
-
mar ay barisammaad tohoo -
-
beeshuna baraar tohoo -
-
dhulku badan cammiran yahay -
-
biyihiyo xareeddii -
-
balliyadu xarfanayaan -
-
balo iyo colaad jirin -
-
intuu tago burkaagii -
-
Baxsan kugu aroosaa -
-
oo bilic-wanaageey -
-
Birmad caanaheediyo -
-
baruurta iyo hilibkii -
-
ku dabiibo baahidoo -
-
barqo kugu bannaanboxoo -
-
bishaariyo bilkheyr dhohoo -
-
dhibka kaa banmariyaa -
-
bacaadkaaga weheshadoo -
-
marna kugu burseeyaa -
-
batarkiyo caweyskii -
-
barbaarteenna oo idil -
-
baashaal habeen wacan -
-
ugu baaqo heesahoo -
-
waligaa ku baalmarin -
-
kaa aadin balad kale -
-
boqol goor ku daawada -
-
Alloow aadan bukoon abid -
kaa dabool balaayada



Be First to Comment