Nin Ciidagale ah oo aan filayo in la odhan jiray Warfaa Suldaan aanse Faarax Nuur la mustawe ahayn ayaa gabay uu ku maagayo Arab iyo Faaraxba tiriyey. Wuxuu yidhi:
-
Nabsi gudaya Geydhoow la arag, goor la joogaba e
-
Guryahaaba lays daba degaa, gu’ iyo jiilaale
-
Halkuu galo guddoonbaa u dhacay, gaama-ruugyada e
-
Gunta kibirtay waagii horaa, laga gol roonaaye
-
Inuu Arab garmaamiyo dagaal, gelinba cayn keeno
-
Iyo inaan geddaydii sankiyo, dhegaha qaar gooyo
-
Rabboow gaalku muu noo fasax,o guga waxaan yeelo
-
Guulade iyo Guuleed Suldaan, geesan kala roone
-
Goodbuu ku dhaqay aabbahay, gaanbiyoow farase
-
Gadhkaagiyo gadhkiisaa sinnaa, Goodiryahow xumiyi
-
Gal billaawe iyo baad toshaa, galka weysada e
-
Ganbo lama shaqaystee rugtaa, ginigu noo yaalle
Faarax ayaa u jawaabay Warfaa Suldaan oo yidhi:
-
Abtirsiinadiinnii guray oo, waa gudboonnahaye
-
Hadii godobtayada uumiyaha, geedo loo mariyey
-
Anna maan gufaacada ridoon, gaaddanka u reebo
-
Gildhigaanka maan liifaddiyo, geliyo baaruudda
-
Wixii naga gardaran jeedal maan, gawda kaga saaro
-
Kob lagu giirtay meel lagu go’ay oy, Geydho ololayso
-
Gammaankana dhacsiga layska wado, labada geesoodba
-
Gorgorkuna hilbaha boobayoo, guruxa soo saaray
-
Weli Arab garmaamaha dagaal, gucummo Aar yeeshay
-
Oo geylamaayaadan arag, goob awaara lehe
-
Waxaadse garan gorgor baad tahee, guud-caddaadiga e
-
Gal billaawe iyo waan tolaa, galka weysada e
-
Labaduba garaad-laawe yahow, waa gob shuqulkeede
-
Guunyadu haddii ay baxdo oo, gugu abaaroobo
-
Gurboodkaan dhaliyo naagahaan, gego ku deeqaaye
-
Shir guddiya haddii reer tolkay, gaar isugu meero
-
Aniga iyo toban loo gartaybaa, guurtidaw baxa e
-
Oo weliba geeraarka iyo, gabaygu ii dheere
-
Halkuu nacasku iga gaabiyaan, garan aqoon waayey
-
Sidii roob intuu gaax tirsaday, guban ka soo hooray
-
Ama gaaladii Beerdhiga oo, geydh u diriraysa
-
Ama Ramad nirgii laga guroo, gubayo oon hayso
-
Ama Siig dab lala gaadayoo, geli ku rooraaya
-
Ama Aar intuu goonji cunay, gelaya hawdkiisa
-
Ama Micis godkii lagu shidoo, gebi ka yeedhaysa
-
Ma gam’ee habeenkii hurdada, gawdu waa aniye
-
Gadhka malawle Gawdh iyo Tayaag, gurada Xaabaale
-
Gabaahiirtii duudkeeda weyn, sii galgalanaysey
-
Gumburkii Abaarso iyo Wadne iyo, guban intii eegta
-
Galgalaha Jaleelo iyo Hallaye, Gaafka Dararweyne
-
Guntiga Shiisha meesha iyo Guguc, gacan Dhariiryaale
-
Halka dhamasku hoos ugu go’o iyo, harada gaagaabaan
-
Niman baa gadaaman oo intaa, gaadh ku meersadaye
-
Guga dhaw ha laga soo raree, qaalimmo u geeya
-
Haddii kalese goolaaftankiyo, guuxa naga daaya
Intaa markuu tiriyey ayuu Faarax wuxuu doorbiday inuu mar labaad ku noqdo gabaygii si uu Warfaa Suldaan u kuhaano. Gabayaagu waa afku-leeblaa la yidhiyee siduu Faarax Alle weydiistay ayey noqotay oo ninkii libaax baa habayn madow qaaday. Wuxuu yidhi mar labaad:
-
Gal-dad-liqa ul baa lagu dayaa, laga danbeeyaaye
-
Weligiinba ceel dawlis leh yaad, dalaq tidhaahdaane
-
Dubbo lagu mergado Reer Aftaag, waa dig siin jiraye
-
Dirkii kula dhashiyo aabahaa, kuguma daayeene
-
Malaha mid uu Warfaa dayriyey oo, daahan baa tahaye
-
Aarkii daboolaan ahay oon, dibbedda joogayne
-
Duddada geela wiilkaan sidii, dawri kala boodi
-
Ama dooy yaxaas uga dhacaa, waa dad aakhiro e
Waxaan ka helnay Law-Dhaako
Be First to Comment