The largest online collection of Somali poetry
Tixdaan gabayga ah waxaa curiyey Cumar Cabdinuur Nuux 07/05/02. Waxay ka hadleysaa dhibaatada qurbaha, qarankeena dumay dhibka ka dhashay iyo ragga wali ku qaraabanaya qabiilka.
- Qaran dumay dadkiisaa dhamaan qaxar asiibaaye
- Qaxii Xamar kadhacay waad ogtiin qulub wixii yaaley
- Qolo qolo kusoo duushay iyo qolo ku sii duushay
- Qiyaamaha wixii lagu matalay qac iyo baaruudda
- Qardojeex waxaan soo maraan dibu qiyaasaaye
- Qisadeedu waa dheertahaye yara an sii qaado
- Qurac iyo mareerkiyo wixii laan iqabaneysay
- Hadba buur qarfaa iyo waxaan waadi qaadaayey
- Marna keymo qoofalan maryaha qaarba dacal jeexay
- Qolofdhaca cagaagii waxay qodax innaafeysay
- Qoloonkiyo biyaha qura waxaan quud kadhiganaayey
- Intaasoo qatooyiyo dhibiyo qax iyo aafaad ah
- Qurbe uma hayaameen haddaan qaran nabdoon heysto
- Qaaraddii madoobeyd markaan qiil u bixin waayey
- Qolo dibadda joogtaan kahelay qabasho dheefeede
- Waxaan sii qaloombiyo waanigaan qaarad kale jooga
- Inkastoo Qaxii iga haroo yara qaboobaaday
- Oo qaddarka Eebahay cidina qoonsan karaheynin
- Qurbe kuma nagaadeen haddaan qaran nabdoon haysto
- Quruum aanan garaneyn guryaha qolo ma seexdeene
- Qamandhaco jirkeyguna in badan lama qaloodeene
- Qosolkiyo farxadda waayo badan kama qatoomeene
- Anigoon wax qabankarin indhaha kama qashuuceene
- Qamuunyiyo is ciil ciil haddana qosol maraacsheene
- Qisadeydu waa dheertahaye qaarkale an sheego
- Magaalada haddii aan qabtoo laamiga anqaado
- Saanqaadka socodkaa lagaran qoomka aan ahaye
- Qowl markaan iraahdaa nafluhu qosol laseexdaaye
- Qobka diirka ayaa iigu filan inay iqoomaane
- Qaxootiga wixii iga qabsaday yara an sii qeexo
- Quursiga waxaa kaaga daran qadafka joogtaahe
- Dhaqankiinu waa qaasiroo diintu waa qalade
- Qoysaska waxaa loo dhaqaa qaabka reer yurube
- Qamiiskiyo maryaha aad qabtaan waa wax qaabdarane
- Qolol haysku xirinee baqtiga qooshta dhinaciinna
- Intay qarinayaan baa kadaran qowlka hadalkooda
- Halahaas qisooyinkii dhiciyo qarow abwaaneed dheh
- Qurbe nimuu waxyeelleeyey iyo maanso quruxdeed dheh
- Halakalana qubxis been ahoo rag ku qaraabtaan dheh
- Qabqablaha dagalkee kidbiga qolokastaw sheegay
- Toosh aan kusoo qabanayiyo qalin masiibaa dheh
- Qabiil baa na laayeey in badan qiil kadhigayeene
- Qallaafiyo Hawaasay iyana shirar ku qaataane
- Qolo qolo makala laha intaas waa qayilayaane
- Qosolkana waxaa loo mudaa duul qaraaba ahe
- Ninka qaba sidii dumarka bay amar ka qaataane
- Sambabadu intay wada qarxaan qufac ha daataane
- Sow beentii qorrax kama caddaan qaranka naafeysay?
- Qori iyo gantaal bay la dhicin qolo masaakiin ah
- Qafaalkuna mareebana hadday quud kuhelayaane
- Qurqurada waxay ugu hayaan dhiig qabow badane
- Qanjir iyo waxay nagu noqdeen cudur an qaadeyne
- Sambabadu intay wada qarxaan qufac hadaataane
- Qaniinyada sidii bahal wax cuna qolodu saw maaha?
Be First to Comment