- Dalkii laga sinaystay iyo
- Dagmooyinkii la qaybsaday
- Daacaddii dib loo dhigay
- Wadanigii la duudsiyey
- Hashii Dooloow lagu horay
- Sababta loo dayoobay ee
- Herer looga daba tagay
- Doqontu maba ogsoonee
-
Doojiyoo darkale saar
-
Dadkii deyrka lagu xidhay
- Loo diiday socodkii
- Xaataa la kala dilay
- Ee lagu dilaal tagay
- Wixii loogu deeqana
- Injida loogu soo daray
- Daalaa dhiciisiyo
- Ra’yigaa dumaasha ah
- Doqontu maba ogsoonee
-
Doojiyoo darkale saar
-
Digsiga daribta lagu guray
- Docdana aqalka loo dhigay
- Kooxduna dabooleen
- Dabeedna daaha loo rogay (Kacaankii Soomaliya)
- Doqontu maba ogsoonee
-
Doojiyoo darkale saar
-
Dawacaa dibiray
- Dugsigiyo dalaal helay
- Daarahan injida galay
- Ducaaloow la lee yahay
- Libaaxdaa la duudsiyey
- Ka dumaalay naagtii
- Daan dheertan oloshiyo
- Hasha oonka loo dilay
- Loo diiday ceelkii
- Duunyadii fulaysana
- Soo daba maraysee
- Dalanbaabigeediyo
- Daymadeeda reenka leh
- Nabsigaa ku daabacan
- Doqontu maba ogsoonee
-
Doojiyoo darkale saar
-
Dalka layska haystiyo
- Dadkiisii amaahda ah
- Ee kuwa kale dantoodiyo
- Daba gunudka lugu wado
- Doqontu maba ogsoonee
-
Doojiyoo darkale saar
-
Hadalka waxaad ku daysaan
- Kolba kii la doortaa
- Danihiisa khaas ka ah
- Soomaali ha u diro
- Dadka kii u xiga iyo
- Ha dalaco walaalkii
- Ogaadeen dariiqyada
- Dawacada sideedii
- Afka dufanka ku lahayd
- Ha u soo durbaan tumo
- Anunbaa is duleeyee
- Anunbaa dadnimadiyo
- Dariiqii Ilaawoo
- Dawarsiga u leexday e
- Reerkeenan dariska ah
- Isaguna daraad dagay
- Gidigeen dillaal iyo
- Dabagale u noqonaye
- Anunbaa is duleeyoo
- Ninka daarta seexdana
- Daaqadaha istaagoo
- Daahiroowda ku hayee
- Doqonimo intaa la’eg
-
Dunidaba ma taalee
-
Aboorka oo dadaalaa
- Dudumada sameeyee
- Duunyadana xoolaha
- Geelbaa ugu doqonsan oo
- Darriiqa uu kasoo dido
- Dirqi laguma mariyoo
- Hashii doonba garanay ee
- Daba orodba garanay ee
- Daydayba garanay ee
- Inay kaa dambaysiyo
- Bal raadkeeda dib u eeg
- Bal ruuxeeda doondoon
Be First to Comment