The largest online collection of Somali poetry
Maxamad wuxuu curiyey maansadan August 19, 2003 wuxuuna u allifay lamaantissa oo aad ugu dheer: Wuxuu yidhi:
·Gacalooy afkaagiyo
·eegmadiyo jalleecada
·indhahaaga ugubyehey
·Geela aragtidiisiyo
·waxaa lagu asteeyaa
·sidii Faras araara ah
·Gammaan urisay Aaroo
·dareenkii ku idilyahay,
·sanka aalad gooni ah
·sunniyaha ku awlalan
·irbadkeeda hoosiyo
·bu’da unug-cadkeedii
·ayrishkiyo daboolkiyo
·aragsidaha oo kali
·agab lala hareerdhiga
·ma aan ilin intaan jiray,
·Ifkan aan ku noollahay
·indhaheygu mey qaban,
·Alloow aadan iil tagin
·innagoon aroos galin
·Oorideyda aad noqon.
·Raxmooy aynigaa tahay
·abbaarkiyo garaaraha
·gacmahaaga ula dhabi
·sidoodii la eentiray
·amqaadka laafyaha
·dhaxda sidii aloolkiyo
·udub toosan oo kale,
·luquntaada geed agan
·arla dihin ku yaalliyo
·itaalkiisa Toowsigaa
·huunno lagu inshaaraa,
·dibnahaaga ulaygiyo
·ustarkiyo madoowga ah
·midabkaaga oog-waa
·asalkiyo guduudka ah
·amma ubax shindhalad ohoo
·wali aan abaarsanin,
·Alloow aadan iil tagin
·innagoon aroosgalin
·Oorideyda aad noqon.
·Gabdhihii Ambiyadiyo
·ka sokoow asxaabtii
·Raxmooy adiga oo kale
·Ifka hooyo mey dhalin
·uur laguma soo sidin
·lamma soo abaabibnin
·Aabba muu gardaadinin
·ragna Arad ummey noqon
·timmaheeda muu arag
·araxdeeda muu dhugan
·Abwaan caashaq lamma jilin
·ugaasooy kummuu oran
·habeen muu agjiifanin
·umma uu abaalgudin
·Abboowana kummey dhihin,
·ammaantaada gacalooy
·ma idleynkaraayee
·Alloow aadan iil tagin
·innagoon aroosgalin
·Oorideyda aad noqon.
·Ina-Aadan Deeqeey
·qurux aabbaheedeey
·indha-caashaqleeyeey
·ayaan iyo nin hood lahaad
·Raxmooy ubad u qaaddaa
·ood Arad xalaal iyo
·ilmasida u noqotaa,
·aqal kaala toosaa
·ballantaada oofshoo
·immin dhexe habeenkii
·timmahaaga alabsadee
·oofaha ku seexdeen
·naasaha ibtoodiyo
·kuu salaaxa oogadoo
·adoo godol u agabdhigay
·neeftaada udugga leh
·sidii ila durdurayaan
·afkiisii ka buuxsada,
·ujeeddadu waxey tahay
·jacayl baa i abbaaroo
·Raxmooy aawadaa baan
·dummar uga agaagee
·eraygeynu dhiganniyo
·axdigii ha eexanin
·Alloow aadan iil tagin
·innagoon aroosgalin
·Oorideyda aad noqon.
Be First to Comment