Tixdaan Gabaygaa oo gaaban waxaa tiriyey Cumar Cabdinuur Nuux 8/10/02. Waxay ka hadleysaa dhibaatada waddankeenna ka taagan. Ragga siyaasiyiinta isku sheegaya oo ah rag aan u qalmin in ay hogaamiyaan ummadda ay horboodayaan. Balse iyaga qudhoodu ay yihiin asalka iyo aabbaha mushkiladda Soomaaliya.
-
Deggen inan yar oo goor barqaa, dooxadatu fuushay
-
Umul deyrka gurigeedii hore, lagu dukhuulaayo
-
Iyo hooyo doorkay dhashaba, duugta laga yeelay
-
Duq waayela digtoor iyo wax-garad, culimadii diinta
-
Daacaddiyo intii nabadda jecel, loosa dacareeyey
-
Dan-yartiyo masaakiinta aan, cidi dar yeeleynin
-
Inta dibadda joogtee qurbaha, dayac ka meel waayey
-
Dalandoolka sida doon caqaa, dociba meel aadday
-
Ee dooraweynow kufrigu, dabinnadaw qoolay
-
Rag baa doolar laceggeed ku hela, dhiiga daadanaya
-
Rag baa daaro waaweyn ka gaday, cadaw dillaalkiiye
-
Rag baan dooneyn inaan soo kabtaba, boqol diraacoode
-
Dawladnimo rag baa diidey oo, doonin oo nacaye
-
Dulmigiyo dhibaatada rag baa, door walbaba wada e
-
Fidno laga dawoodaba rag baa, daarayoo hurine
-
Deriskii heshiiyaba rag baa, dacar ku nooleyne
-
Dukun-daakun inay naga dhigaan, waa rag loo diraye
-
Ilaahoow dadkaas naga qabqabo, kuu dacwaan nahaye
-
Ilaahoow adaa daa’iinoo, dunida maareeya
-
Dadka noo tashaday oo na dilay, oo nadabar gooyey
-
Daalucul quuluubow adaa, daawan oo garane
-
Ninkii samaha diidaa Alloow, dabinka uu laaco
-
Dumbaaburaha uu hurinayaa, daaro maradiisa
-
Isagoon digniin qabin Alloow, qolo kalow duugto
-
Dadka iyo dalkuba waa bestood, daqaradii gaaray
-
Duunyo nooma nooloo beryahan, lama daryeeleyne
-
Ilaahoow dadkaas naga qabqabo, kuu dacwaan nahaye
-
Inkastoon dambownoo in badan, dalag xun aan beernay
-
Dariiqii habboonaa Rabbow, dabamaryow qaadnay
-
Ducadiyo baryada naga ajiib, kuu dacwaan nahaye
-
Eldooreete kii diida ee, nabadda diihaalsha
-
Ama doodda dheereeya ee, xumaha doon doona
-
Danta guud ka door bida inuu, kaligi xoor daaco
-
Daalucul quuluubow adaa, daawan oo garane
-
Dawaarkuu meeleegaayo iyo, wuxuu daneynaayo
-
Darka caaro gurigeed ka yeel, kuu dacwan nahaye
-
Diyaaradaha sii wada raggaan, Diridhabow qaada
-
Ninka duulinaayaana yahay, cadowga diinteena
-
Damiirkoodu see ugu xasilay, gaalka daranyeysan?
-
Intaas oo shirbaa loo dalboo, looga soo digaye
-
Dacwad bay ka keenaan haddana, kala dareeraane
-
Duweylaad yar bay wada rabaan, inay dul joogaane
-
Qaran dumay rag soo celin karaa, doorkan ha yimaado
-
Ama Daanya Aramooy ku dhaha, nagu dillaal qaado
-
Adinkuna sidii diiq is helay, baalasha is diirta
-
Dagaal ooge wixii lagu yiqiin kolley ma dayaane
-
Dadnimiyo xishood iyo malaha, aragti diimeede
-
Hadba koobka malax loo daray, dalaq ka siiyaane
-
Gumeystaha na dilayey intaas, dagal la jiifaane
-
Hadba meeshii loo dira unbay, dali katuuraane
-
Deris iyo qaraabey raggaan, kala dilaayaane
-
Dumar iyo caruur bay kasli’i, duugayaan abide
-
Dadka kii u xigay bay intaas, aakhirow diriye
-
Dulmigooda naga qabo Rabbow kuu dacwaan nahaye
-
Ilaahow adaa daahiroo, dunida nooleeya
-
Ilaahow adaa deeqsiyoo, deeqdu kaa marane
-
Darxumada na heysiyo Rabbow diifta nagu raagtay
-
Dagaalada na wiiqiyo, raggaan gaalka daba jooga
-
Dibad iyo gudaba xaaladuhu, waa ka sii dariye
-
Deg deg nooga saar Khaaliqow, kuu dacwaan nahaye
Amiin-yaa Illaahii
Be First to Comment