(Boggan gabi ahaantii waxaan si toos uga soo guurinay cajaladihii labada ahaa ee uu duubay Abwaan Axmed Sheekh Jaamac: gabayada iyo sheekooyinka weheliyaba) Akhris wanaagsan.Sheekada dhamaadkeedu waa sidatan. Xoolihii waxay samaysteen Jamhuuriyada Federaaliga ee Xoolaha Soomaaliyeed. Oo ka kooban shan raysimo. Raysimo walba waxay leedahay xukun hoosaad madax banaan. Calanku waa midka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliyeed oo dhexda ku leh shan xidigood oo cad cad. Waxay samaysteen xoolihii oo ku kala biireen lix xisbi oo kala ah:1) Xisbiga Dudo, Dar, iyo Daaq Wanaag. Waa xisbi Shuuci ah. Gudoomiye waxaa ka noqday dameerkii caanka ahaa Xoghaye Guudna awrkii Madoobe Uugaan oo Reer Obokh ah2) Xeer iyo Xeel, waa xisbi Hanti goosi ah. Gudoomiye waxaa ka noqday wankii Ladane oo ah Reer Aadan Yabaal. Xoghaye Guudna waxaa ka noqday awr Reer Qabridahare ah3) Xisbiga Nabad iyo Nagaansho, waa xisbi ah “Social Democratic.” Gudoomiye waxaa ka noqday geenyo Reer Taleex ah, Xoghaye Guudna sabeentii Dhexyar Dhuubo oo ah Reer Marka4) Xisbiga Daraawiishta Cusub ee Xoolaha Soomaliyeed. Waxaa gudoomiye ka noqday dibi Hereri ah, Xoghaye Guudna waxaa ka noqday laxdii Gacalo Nasteexo oo ah Reer Iimeey5) Xisbiga Diir iyo Dunsami, waa xisbi ku dhisan isir-xul iyo abtirsiinyo koolkoolin. Gudoomiye waxaa ka noqday hal Reer Burco ah, Xoghaye guudna waxaa ka noqday orgigii Reer Mudug6) Xisbiga Siigo iyo Sawaxan Diidka. Waa xisbi isku taxalujiya ilaanlinta Bii’adda iyo qurxanaanta sabada iyo deegaanka. Gudoomiye waxaa ka noqday ceesaan Reer Ceel Waaq ah, Xoghaye Guudna qaalin lo’ah oo Reer Cabduq Waaq ah.Jamhuuriyada Federaaliga ee Xoolaha Soomaaliyeed madaxweyne waxaa ka noqday orgigii Hiiraan oo shan sano inuu madaxweyne ka noqdo loo doortay. Xooluhu waxay samaysteen xukuumad ka kooban Ra’iisul Wasaare, iyo shan wasiir. Ra’iisul Wasaare waxaa noqday oo loo doortay dibi ah Reer Badhan. Waxaa la sameeyay wasiirada: Wasiirka dareenka iyo didmada, wasiirka sahanka iyo odoroska, wasiirka garnaqa iyo masaalaxada, wasiirka codka iyo ci dheerida, iyo wasiirka dhaqan iyo hiddo korinta. Caasimad waxaa loosoo jeediyey meelaha kala ah: Ceel Buur, Caynabo, Ceeri Gaabo, Cadaadleey, Bulaale, Baydhabo, Baraawe, Mudug, Qalaafo, Diin Soor, Garawe, Maxaas, Mandheera, Masago Waa, iyo meelo kale.Arintaas iyo samaynta dastuurka dawlada Jamhuuriyada Federaaliga ee Xoolaha Soomaaliyeed waxaa loo saaray guddi, caasimad ku meel gaadh ahna waxaa loo doortay Caynabo. Xukuumadda la sameeyay waa xukuumad dhexe oo ka dhaxaysa Jamhuuriyadda Federaaliga ah, raysin walibana wuxuu lee yahay xukun hoosaadkiisa madaxa banaan. Xoolaha shirkoodii saasuuku xidhmay, wayna uugaansadeen iyagoo shirkii khatimaya oo ku heesya:Urur kaliyi kheyr ma lehAxsaab badani kheeyr ma lehAlbaab kaliyi kheyr m alehIrdo badani kheyr m alehAnaa idhidu kheyr malehDood abidi kheyr ma lehKheyrul umuuri awsadhuhaaKheyrul umuuri awsadhuhaaShirkiina saasuu ku xidhmay. Dhamaadka Shirweynaha Xoolaha Soomaaliyeed waa sidaas, bilowgii sheekaduna waa kan soo socda oo waa sidatan.Bishii April 1983, iyadoo la qabanqaabinayo oo uu soo dhaw yahay shirweynihii Xidhiidhka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed, gudoomiyihii xidhiidhka guud ee wakhtigaas oo uu xarunta Muqdihsu inta uu barqadii soo baxay raba inuu magaalada kormeer u aado ayaa waxaa isla soo taagay dameer xiiqsan oo wata warqad dacwa ah, oo ay ku qoran tahay:Cirka oo xidigoley culays nagu xamaalaaneXadhig dacay ah bay qowlalada nagu xanuujaaneXuquuq waxaanu lee nahay cishaha nama xisaabshaaneXadaafiir bacaadiyo cagtaan xanan ku jiidnaayeXaarxaaro kulul bay sartaba nagaga xuubshaaneXakamiyo waxay nala dhacaan xaabo dhumuc weyneXakamahoona na sudhan baa…………………………………….Iyagoo xashiimo buuxsaday na xujuraayaaneMarka dani na xagataa wadada nalagu xooraayeAnagu xoogsataan nahay haddaan lays xistiyi hayneXayawaanku urur buu rabaa laan xidhiidh ka aheShirweynaha xagaaga ah Miroow xaalkayaga eegaGudoomiyuhu dacwadii wuxuu u wareejiyey Maxkamada Guud ee ku shaqo lahayd waaxda shuruucda iyo caddaalada. Wuxuu yidhi:Jabayoow xafiiskani dacwuu soo xawilayaaye??Ma xamilayso saacadu inay sii xayirantaayeRuuxii garsoor loo xulaa waa xil qaro weyneNafna lama xaqiro Eebaheey xay kasoo dhigayeQudhaanjada xakiim ka ah Alla ku xusay aayaadeAdigiyo Xuseen daya sharciga xubinta qeexaysaGudigii waa kusoo warceliyeen gudoomiyihii oo waxay yidhaahdeen xeerka xidhiidhka guud kuma jiraan xoolaha shaqaalaha ahi ee waxaa ku jira dadka shaqaalaha ah kaliya. Gudoomiyihii arintaa isagoo ka xun buu dameerkii gaadhsiiyey oo wuxuu yidhi:Ninkiiyoow warkaan helay qalbigu way xantanayaayeXisigaa i sare joogsadiyo xaadda oogada eNiyadaa i wada xoomaysiyo xuubka feedhaha eIn kastood dadaal xiiqdo oo dhab ugu xuurtootoIn kastood xaglaha daalisiyo xididaa maankaXag unbaa qabya ah goor walbaba xaal aduunyaadeXoogsata sidaad uga mid tahay xeerkii laga waayeXayawaan shaqaala ah markii lama xusuusnayneWasaarada Xanaanada bal aad Xoolihiyo daaqaDameerkii halkaasuu ka faranfardeeyoo wuxuu sii dhigtay ilaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa. Masuulkii halkaa ku qaabilay markii uu dhagaystay dacwadii dameerka uma garaabin dameerkii ee waa gawriyey oo wuxuu ku yidhi:Xadhig dacayi wuxuu idin sudhnaa tan iyo xaataayeXadaaradaha yaa wada ogaa inaad xamaashaaneXukunkii bulshada weeye iyo xaalkii soo jirayeXanaaqaaga yaan dumin karayn xeerkii gaamurayeXoogbaa hidihu leeyihiyo xidido dhaadheereXaqa laguma liiliijin karo xan iyo been sheegeXoolaha kuwii kheyr qabaa xeraday joogaaneWaxa aad xaraar la ordaysaa duul xasaradeeyeXusul-duubka waxa kuugu wacan xeelad la….Mar hadaad xulquun haysatiyo xaabka iyo cawskaAsaanay xad dhaaf noqon wixii lagu xambaarsiiyeyXirfadaada lama tuuro ee ku xasil oodaadaDameerkii dadbuu waraystoo wuxuu yidhi halay tilmaamo xageen kale oon u dacwoodaa, waxaa la yidhi Rugta Ganacsiga tag iyaguna waxay ku shaqo leeyihiin shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha, shirar caalami ahna waa ka qeyb galaan sida shirka ILO – International Labour Organization- iyo kuwo kale. Dameerkii wuxuu yimid Rugtii Ganacsiga. Wuxuu la hadlay madaxdii, wuxuu yidhi:Madaxyahay isu egeey garbaa loo Islaan yahayeAnigoon afurin saaka waan soo aroor kacayeArintaydu waa hawlahaad u idmanaydeeneWaydinkaa shirkii ILO aadi sida taaleArjigaygan qaadoo golaha idil dareensiiyaOgeysiisna waa kanee ku rida meel abxadihiinaAmiir dawlad iyo maal badan oo laga amaah qaatoIyo dhoodi u abaan ahoo iibsha muruqiisaEebaba ma simin baad kolay uurka ka qabtaaneSagaaradu astaan muuqatay awday leedahayeIdinkuna xaqaan arkaynaad naga igdhaysaaneAashiina hoosaasadiyo eexashada buuxdaNin ka mid ah madaxdii goobtaas ayaa dameerkii u jawaabay oo yidhi:Atoorkiyo arbaha geedamaa, kala awood rooneMa asaasan karo aaro dibi, aarankan soo ciyeyeOrgi adhiga leeleeliyaa, awr ma tiigsado eIska daa umado baahay oo, ooda kala dheereUluuf wada ilma-adeer ah oo, aabir wada joogaAyaan ruux ruux uga ekayn, oogo iyo jaaheCaqligana ku kala soocaniyo, madal odhaahdeedeMataanaa aloos kala badshiyo, reer agaasimideUlo geed ka baxay baa midiba, ayni noqotaayeAllahii abuuraa ka dhigay, uunka kala nooceIsna wadajir baa aayo guud, ugu islaaxaayeWaxba uma ebyoobaan qofkii, gaar u awdalaneWaa eeri buux dhiman waqii, aadmi danihiiseWaxa qaarba agab loogu diray, hays adeegsado eInba howl asbaabteeda yaa, lagu ilhaanshaayeIsdaaweysigaa uga dan roon, kala irdhayntaaseEraygii sinaantaad macnaha, ka anbinaysaaneIinbaad qabtaaye war baas, uma asoosheeneShirka ILO waxaa horyaal, amaro waaweyneAjo lagama gayo xaalkan, aad ooga leedahayeAarkii midayntaan xataa, la ogolaanayneAfrikana dadkiibaa ku nool, dhaqankii aygiiyeIidi iyo Bukaasaa raqdii, wali uraysaayeLama aasin Reer Jaad kuwii loo ajalay qooqe (Chad)Waxaa Samore iibsaday dorraad, eheladiisiiyeAncoma wuxuu soo halgamay oon la dalandoolye (Joshuua Nkomo)Wiil magaca idil doorshay, baan ri u irmaanayneLatin America dulmaa, laysku aayirayeDadka Reer Albania cadhuu, oofa buuxsamayeIreland ba laga waa xaqaad, adigu yaahdayneIngiriis Jidbaaliyo Gunburo, eedi lagu dhaafyeAf-Bakayle godobtuu ku galay, way abaajidayeLa ilowyey Beerdhiga ragguu, aabiga u dilayeAanadaa kuwii gudan lahaa, aarkii duudsiya eWaa wada agoontii kuwaa, kaa dhibka orshaayeIdiinbariyo waxay qaayibeen, beesha Oxford e (Edinburgh)Sabarada Afghan iyo Mangol, Ifan ku caweeyeAadmigii la kala qeybsayoo, lagu afduub xoogeKurdigii axdhaha weyn lahaa, loxos ku aynfaadyeSloofaaga iyo waa la tolay, Reer Uspakistan e (Slovakia, Uspakistan)Arxan gacalkii samir kuwaa, elaladkoodiiye??Argentina waa lagu huraa, ilaha Falkland eAustralia yaa badowdii tiil, la askug gooyaayeIsticmaar hubaysani khalqiga, wada ugaadheeyeHalkii Ina Qitaal ceelalyiyo, sahanku ugaanye??Ardaayadii Khaliijkiyo Basraa, olol ka qiiqaayeAl-Cayn iyo Kuwait baan hurdada, aabyar loo ladineAngola iyo dhawaan Mozambique, uubataa liqiyeAy dalab la wada sheegto baan, laysku aaminineAxdiyada la kala qaato baan, aakib noqonayneAsaroorin socotaa haddana, lays odorosaayeQaanuun waxaa u soo irkada, kii itaal gaba eKuwa miciyo weyti ah wataa, ma ay ergoodaaneAmuur cararayaa muluca yuu, agaskii qaadaayeEngland laaji ku ahaa sanado, idilo Diigoole (Charles de Gaulle)Utuntiisii duul kale qabeen, saar Algeria eIlhaanadii la baday buu ka jaray, Obokh dadkeediiyeBoqorkii Amxaaradu wuxuu, anafo ceegaagoAsal baabul weyn iyo wuxuu, laydh ukumi sheegtoEritrea wixii uu gondaha, alamsadoo ruugoUgaasyada Galbeed iyo wuxuu, Oromo qoorgooyoAddis Ababa Faashiistihii, uga awaareeyeAnfariir didkii buurihii, alab ka seeraaryeUsbania jibraarbeera way, umal jaleecdaaye (Spain, Gibraltar)Waa surin umuur culus leh iyo, meel ahmiyad weyneAlbaabkii bada cad weeye iyo, ooshinta u dhaw eAbris baa bishimaha saaray, iyo aramidiisiiyeUma oonsan karayaan inay, ibo salaaxdaaneIyaguna Ifriiqiyada yey, ku adyadoodaaneAxmaqnimo markii ay dhurwaa, kaga ilmaysiisayDayo qeyro sax ah keentay oo, aragtay dawgiiyeIlkaweynta qaataa la yidhi, Unada Fiitooye (UN, veto)Awalkii bilowgiyo tan iyo aamanuu dunidaUrur uma turayn urur kaluu, aarmi dheer yahaye (army)Eedaan shabeel kama naxiyo, aada xoolaha eBaqalyuhu ugay daaqayuu, ubucda jeexaayeUgubidu aboodiga lalay, baqeed ka oydaayeUgxan hooyadeed maqantahaa, la anbanaayaayeCadli aan arlaa’iga dhulkaba, oolin how dudineCiddii guriga ku amaan heshaa, loo isxaan falayeIska aamus yaan lagula helin, eebo soo godaneDameerku arintaa wuxuu u qaatay in loo dhahareeyey wuxuuna kaga jawaabay:Allaa yidhi haddaan anigu idhi, waa af waa horreAwowgey baruu talin jireey, eeday dunidiiyeAqoon baa dajinayee xabaa, hayla aadina eIram iyo Tamuud baa ku lumay, waa islihidaaseIsirkooda koolkoolinbaa, rogay Israa’iileAngolosaksaan kibirkii bay, eersataa Yurube (Anglo-Saxon)Iskaa wax u qabsaa dawladnimo, lagu asaasaayeAbtirsiinyo ma ahee fahmaa, lagu asoolaayeIlmo-adeer waxaa kuugu roon, keni-edaygaaseHitler aabo kuma tiirsanayn, eel wuxuu dhigayeUstuqraadiga Italy ee oday iyo, heyb sheegtayAmlay Muusaliini sitaa, urugo leefsiiyey (Benito Mussolini)Ashraaf sheegad kuma deyn Xuseen, Al-SucuudiguyeIliilaha Najdey soo marsheen, ciidan aad u hayneIslaweynidii Reer Xijaas, way af-gudiyeeneAyaan maherkii Iran sidii, aaranka u loogayAsia ba boqortooyadii, saartay amankaagaIyadaba asgari geesiyaa, taagay udubkiiyeSayidkii akhwaan ihi dadkuu, soo abaabulayeIsticmaalyey aayadaha higliyo, alif diineedeDabadeed markii uu il helay, niman asqaysiiyeKeenadiid Hobyo usoo arhumay, doono meel ugubeAnbar keen markii Mudug noqdiyo, ilanka DoolloodbaAyaamuhu madaayaan nin ee, aakhiro u guuryeWaayeel ishaarooyinbaa, loo iftimiyaayeAxadiyo Isniintaynu dood, furan InshaalaayeIminkana ikhyaareey xisbigaan, aaday xaruntiisaNin meesha ka dhawaa oo loo qaatay inuu is maqashiinayey madaxda rugta oo af-miinshaaraynayey ayaa dameerkii af-lagaadeeyay oo ku yidhi hadalkan:Asluubtiyo anshaxaa kaa xun iyo, edebta baalkeedeWax asuulka aan baranin oo, oodan baa tahayeIn dameerku ubad xaasid yahay, sheege awyaduyeNin awoowe soo talin jiriyo, aabe sare yeeshaySow adeeradii ma ay ahayn, guurti la amaanoSow kuma ag korin rag aan, dirir kasoo ooyinAyeeyooyinkiisii hidiyo, sow dun la eexinSow ila-xidh lama seexinin iyo, aqalo hoos weyn lehSow aduunka wixii ay jantaan, lama adiibayninSow yarad gamaan orod leh iyo, eyro lama dhiibinSow gobbaa xurmada oofisee, aalad lama raacinAbtiyaaladii sow ma ridin, duciyo aamiintaSow Muxubo kuma soo anqaran, farax ku iidaamanAayooyinkii sow tafaha udug, ma daacayninSow eedadii kuma ga’m ayn, uunsi iyo jaawiSow abaabintii gacalo hees, uma olkaynayninAyaan badane sow kuma lahayn, ubaxa baarkiisaIlwaad quruxsanoow luuqda sow, ma istareexayninMidkaas dunidu may eedin, oo waa asalidiiyeArad iyo midkii hooyadii, heerin ku aabaadayOo ay areebada ahayd, idifsan oo luun lehOo ooda geed muday markay, araxda raacaysayOo aan ideed bogon marnaba, doog iyo abaar sanOo odaygu dakharayn jiray, eeday dunidiiyeAbwaaniinta aad tirisay ee, laga ashaatoobayAbtirsiinyo yey hililisheen, ololohoodiiyeTaariikh axmaqu moog yaheey, ku intifaaceeneAraarahaad sabbaysaye ma aad, eegin nuxudhkiyeAawiidii Nabi Luudhna sow, maad akhriyin HuudeIridkaaga doob qeybin baan, kugu alhuumayneDameerkii baa u jawaabay ninkaa loo qaatay inuu af-miinshaaraynayey oo madaxda is maqashiinayey. Wuxuu yidhi dameekii:Suqraadkii atiin iyo naflaba ka asqaraarsiiyey (Socrates, Athens)Aristo iyo Aristotle iyo, niman Aflaaduun leh (Aristotle)Arday waxay dareersheen kuwii, galay iskuulkoodaInishtaan Isxaaq Luudsan iyo, Oskar iyo Luuda???Ibnu-Siinihii qoray shifada, iyo Abii-XaamudIfka korotada inoo balbalada, Abison kii keenayGaliiliyo iyo Arikoori iyo, daanti Arigeri (Galileo Galilei)Aduunyada is-korisbaa wax taray, oo abaal ku leheAblaxyahoow gunada doonayaa, ma lihid iimaaneEygaba lafbaa loo dhigaa, edeg duleedkiiseMarkaasuu ilaalada xajaa, owda badiyaayeIsagaad akhlaaqdiyo dabciga, ka ashbahaysaayeAdoomahakan iil sugahayee, magan Ilaahay ahAlla dooriyahow goojadaad, ula amaaraysidMa anfaca doon iyo barqaa, kugu ijbaaraayaNinku sidii markii horreba uu ugu baanay ee uu ugu hanjabay dameerkii qaydin buu la dhacay. Dameerkii oo xanaftii qaba yaa isagoo iridda kasii baxaya dib usoo jelleecay ninkii oo wuxuu kusoo tuuray hadalkan. Wuxuu yidhi:Ilayskaa shamsada daal u dhimay, kii inkirayaayeAfar-iyo-tobanaadkaa harraad, kii anfiyayaayeBadda lama asliyo moolka weyn, ee Atlantika eeAfkaar laguma caabiyo budhkaad, kula abraartaaneAgnaan lama noqdee qodob, ra’yaa lagu asiibaayeMaxaad iga alwaaxayn xaq baan, ku adimaayaayeDameerku xanaftii iyo baqo-cararkii wuxuu ku tagay Xarunta Xisbiga oo markaa ahayd Guriga Ummadda. Ninkii soo dhawayn joogay ayuu dacwadiisii u qaddimay oo wuxuu yidhi:Daahiroow addimo daalka, waa udulubaayaayeAxadka i rartee baas warkii, diid idaacada eAshtakadaydan gaadhsii walaal, meesha ku abaaranDaahir wuxuu telefoon u diray gudoomiyihii Hogaanka Shuruucda iyo Caddaalada ee wakhtigaas. Wuxuu yidhi Jaalle Gudoomiye waxaa iridda kuu taagan dameer mudici ah oo cabanaya oo sheeganaya inuu dulman yahay. Gudoomiyihii wuxuu yidhi oo kusoo jawaabay:Aga Daahiroow sow tan ay, dunidu aafowdayAwowgii la naar howsha, waa loo abtiriyaayeEegadatan garsoorka u dir, oo ani ha ii keeninDameerkii markii fariintii la soo gaadhsiiyey wuxuu u dhaqaaqay oo u jahaystay meeshii loogu tilmaamay Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka. Wuxuu hoos uga daadagay wadadaas Jamaal Cabdi Naasir. Markii uu marayey Taalada Dhagaxtuur hareerteeda yuu il-qoodhka wuxuu ka arkay ubaxa halkaas ku yaala. Ilaa saakuu boqoole iyo dacwad ahaayee, wuu ku leexday oo laanbuu rudhay ubax ah.Waxaa qabtay oo isku duubay asgari ka tirsan Deegaanka Muqdishu. Wuu kaxeeyoo wuxuu geeyay xero ay ku xaraysan yihiin xoolo kale oo fara badan oo meerisyaal kala duwan ah oo iyaguna sidiisaas oo kale danbi ka galay Dawlada Hoose ee Muqdishu oo ka kooban … riyo, ido, nooc yadii xoolaha oo dhan. Markii dameerkii xerada lasoo galiyey, ayaa asgarigii waday waxaa isku taagay oo isku liqdaaray orgi cad oo dheer oo ka mid ah xoolihii xerada ku jiray markiisii horana laga keenay gobolka Hiiraan dhinaca Maxaas. Asgarigii buu hadalkan kulul u jeediyoo wuxuu yidhi:Eeg qeybta 2aad (II)F.G. Magacyada ajnabigi ah inaan soo wada qorno ayaan isku dayi doonaa

Shirweynihii Xoolaha Soomaaliyeed (I)
More from BoggasuugaantaMore posts in Boggasuugaanta »
Be First to Comment