Press "Enter" to skip to content

Galaal Xoor

  • Awal hore inaan gabay tirshiyo, godob ma doonayne

  • Gadaafa iyo cay ma rabin, gaadha aadmiga e

  • Soomaali gabigeed ma rabin, waxaan u gaystaaye

  • Gurgurshaa hayinahaan ahaa, laguna guuraaye

  • Gudoomiye uruurshaan rabaa, hawsha guudnima e

  • Gobonimo u dirir baan ahaa, gaala daafaca e

  • Inaan Xabashi gooyaan jeclaa, Guray sidiisiiye

  • Guul iyo barwaaqaan rabaa, ehelka gaadhsiiye

  • Gol-duulaan ku maal baan lahaa, geel ku dayr dhalaye

  • Kol hadii dadkii gugu u da’ay, gamashi kaynaanay

  • Waxaan galo waxaan gudo hadii, layla garan waayey

  • Ana inaan guntiga nuujistaa, igu gar weeyaane

  • Maxaa golahan ceebeed i dhigay, ma li’i gaadiide

  • Gardaro iyo is yeelyeel ma jiro, ruux ku galayaaye

  • Ninna uma gigsado leeda fuul, sida gammaankiiye

  • Gabasho iyo wax badan baan ku jiray, inaan is gaabshaaye

  • Garba duub maxaa ii xidhxidhay, gibilka maan tuuro

  • Maan guusha Eebaa hayee, nabada geed saaro

  • Isagaa i garab siine maan, geesinimo yeesho

  • Giiryaale fulayaan ahee, gacanta maan qaado

  • Amba gacashi laygama rabee, maan afraha gooyo

  • Geeska Afrikaad maan xumaan, ugu garaar daayo

  • Inta aniga lay kala gorgorin, goolka maan dhaliyo

  • Oo garoon lagu ciyaaraan noqdee, golayga maan diido

  • Gacmaha iyo lugahaygii buu, qaarba gees dagaye

  • Intaan gudub u kala aalo maan, meel isugu gaysto

  • Maan garashadayda iyo caqliga, ehelka guubaabsho

  • Gaajo iyo maxaa caydh i baday, gorofta maan tuuro

· Gafuur tuurkii baa nagu bate, maa lakala guuro

  • Gashigayga baaqday iyo intaan, godobta raadcaysto

  • Gafka nagu dhacaaya iyo bal maan, diido gacan dhaafka

  • Oo maan aduunyadan rag gubay dumiyo geestayda

  • Gaandi iyo sidii Kimil Sool, garasho maan yeesho

  • Kolay guri dugsoon kuma jiree, gama’a maan diido

  • Gacandhi iyo intaan ciid ku shubo, gogosha maan laabo

  • Gabalkay miyaa dhacay maxaan, hawl la gudan waayay?

  • Intaan goroda laalaadin maan, giirka kor u qaado

  • Ninana iima goodiyi karee, ganafka maan taago

  • Raggaan giriftamaynaa haduu, iga gol roonaado

  • Gayigayga hawdka ah intaan, galo dhufayskiisa

  • Gammuun iyo falaadh iyo intaan, gammas mariidaysto

  • Garanuugta maan weheshadiyo, goodirada hawdka

  • Maan gooradhuubiyo ulaag, garriga weeteeyo

  • Wiyishaa gadooday iyo sangaha, geeska maan jabiyo

  • Gu’baas jiraye maan dhimasha xigo, geeridaa wacane

  • Asaagay siday ii gartaan, gumaca maan qaato

  • Oo maan waqti baa ila gudbane, dib u galaal xooro

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r