Press "Enter" to skip to content

Gocanaya Mooyi

The largest online collection of Somali poetry

  • Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama’ la’aantayda
  • Gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu yaacay
  • Gasiinkii la ii dhigay waxaan gawska uga daayey
  • Dar guryii ka yimid baa war baas iila soo galaye
  • Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene
  • Goblamooyin waxay ii wadeen guuldarriyo hooge
  • Gabbal baa u dumey reerihii geliga Booc yiille
  • Abidkii rag waa go’i jiree tanise waa gaw’e
  • Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi
  • Mid weeye haddii lays galoo geel la kala qaado
  • Gurmad noqonayaa iyo annagu guuto bixinnaaba
  • Giiryaalihii fule markuu gelelef rooraayo
  • Rogaalkuu giraangirin ogaa gocanayaa mooyi
  • Geb hadday maritidu soo tidhaa goor uu nala joogo
  • Godka lagu janneeyow hadduu goosan la carraabo
  • Garab saar rag weeyee hadduu gogosha soo qaado
  • Gasiinkii la soo dhigay haddaad gal iyo daad mooddo
  • Bakhayl baa gammiima’e intuu gaadhka ka qoslaayo
  • Godolkuu ku haasaawin jirey gocanayaa mooyi
  • Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala maagtay
  • Haddii geedka laysugu yimaad golaha waayeelka
  • Waxay gola fardooddaba haddii la isku soo gaadho
  • Nin waliba hadduu gees damcoo giijo madixiisa
  • Wax la wada gorfeeyaba haddii la isu geyn waayo
  • Gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadal yaaba
  • Guddoonkii la wada raaci jirey gocanayaa mooyi
  • Gugoo da’ay aroosyada haddii gowda laga saaro
  • Shir girmidha haddii loo kiciyo gob iyo reer aada
  • Gammaan naaxay heensaha haddii guudka laga saaro
  • waa gelin is daawada halkii garangar loo joogey
  • Gole igu bannaanaa wallee garab la’aaneede
  • Gunnaduu ka soo toocin jirey gocanayaa mooyi
  • Gardarrada sokeeyaha rag baa gees biciid u lehe
  • Gudcurkiyo caddadu waa walaal kalase guul roone
  • Gaadiid Ia dhaanshuu ahaa gibil ma diidaane
  • Guraduu na wada saari jirey gocanayaa mooyi
  • Alla wuxuu golxaalow ahaa gedefka reeraaye
  • Magaciisu waa gudubsanaa gaaliyo Islaane
  • Galbeed iyo Baraa laga yiqiin gololkii dheeraaye
  • Gaashaan biruu noo ahaa gocanayaa mooyi
  • Adduunyadatan laga guurayo ee gebegebada taagan
  • Ee laga galbaday meesha iyo geeridii Maxamed (scw)
  • Anuun baa gubtanyoonaya oo geesigii tebaye
  • Gartaa u noqday Eebbow ma jiro garangar waartaaye
  • Allahayow wax badan baan gefaye Adigu hay goynin
  • Oo geesta Nebigii i mari maanta lays gurayo (scw)

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r