Press "Enter" to skip to content

Balqiis

The largest online collection of Somali poetry

Wuxuu Maxamed Satnza heestan wadaniga ah curiyey December 16, 2003. Wuxuu abwaanku heestay u bixiyey Balqiis. Wuxuu ku bilaabay:

·Bisha oo lix iyo toban

·barigoo salaasa ah

·todobiyo badh-saac tahay,

·ayunbaan Balqiiseey

·figta baaca laacoon

·huunno soo baraarugay,

·boogtii kalgacalkiyo

·boholyoowga caashaqaan

·bar u seexan waayee,

·bureeqadii haweenkaay

·adaan kuu buseylee

·ma i baanan gacalooy?

·Barkeed iga jirtaa

·Balqiiseey ku nooshohoon

·kaa baafiyaa?

·Dhulku kala bidhaan wacan

·baro iyo isdheer muuq

·kala budul wanaahsane,

·Howdoo barwaaqa ah

·baadkuna ugbaad yohoo

·baasheeyay roobkii,

·Qorraxeey bankeedoo

·Biciidkiyo Ugaadhii

·ay bariisanaayaan,

·oy barisammaad tohoo

·dhaantiyo balooleey

·barbaartii ka tummayaan,

·miyaad beegsatoo

·ku ilbuuxsatoon

·kaa baafiyaa?

·Godey bilic wanaag iyo

·Birqod iyo Bullaalaad

·ku barbaartay inanyahay,

·baladkii Qallaafiyo

·Qabribayax bal iyo keyn

·buddhiggeeda Dhagaxbuur,

·baayga Haradigeed iyo

·Baareey dusheedooy

·balliyadu xarfanayaan,

·shimbiruhu mar buubaan

·marna ay bugaadshaan

·marna biyo makhuurtaan,

·miyaad beegsatoo

·ku ilbuuxsatoon

·kaa baafiyaa?

·Buuraha ku yaal Harar

·Diridhabo san iyo booc

·beydkeenni weeyaan,

·Daharroo baraarsaday

·toggu biyaha soo rogoo

·burqanaayo gacankii,

·Bacaadweyn Shilaabiyo

·Wardheer biyaxireenkii

·ayaan booqaneynaa,

·Godcusbooy bil-ciid tohoo

·nayruus baxnaankii

·bam la dhacay mahiigaan,

·miyaad beegsatoo

·ku ilbuuxsatoon

·kaa baafiyaa?

·Baqal eegmadii leey

·ubax rays barbaarshiyo

·biya-dahab Gobaadeey,

·hadduu calafku baaqdaa

·ama ani bud laidhigo

·Balqiiseey nasiibkaa,

·haddii buugga lagu qoray

·bandhig iyo aroos wacan

·ubad naga dhaxbeermaa,

·calankeenna biidkee

·saddax baalba midabkaan

·boorso kaaga tolayaa,

·Buaaliyo Kismaayiyo

·Balqiis wabi-Shabeellaan

·baanka kuugu tummayaa.


Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r