Press "Enter" to skip to content

Xawo iyo Dhiig (Jannaayo 3, 2007)

 

Sida aad la socotaan ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha ee dawladda

kumeelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay dawladu doonayso

in Soomaaliya iyo Itoobiya la isku daro. “Waxaan qorshaynaynaa inaan yeelano hal baasaboor,

hal ciidan, hal lacag iyo hal nidaam oo midaysan idinkuna waxaad ka hadlaysaan ciidamo

Itoobiyaan ah oo dalka soo galay” ayuu ku yidhi Xuseen Maxamed Faarax Caydiid odayaal

Soomaaliyeed oo uu kula shiray magaala madaxda Muqdisho. 

 

Sidaa markuu yidhi Baby Caydiid, waxgaradka Soomaaliyeed oo dhan way fahmeen inaan hadalkaasi

kama’ iyo mid carrabku xaday ahayn, inuusan fikir shaqsi gaar ku ah ahayn, balse uu yahay qorshe

gumaysi oo ay Itoobiya mudo dheer kasoo shaqaynaysay. Cabdullaahi Yuusuf Yey iyo Cali Maxamed

Geedina ay ka yihiin gacanyarayaal la adeegsado, Baby Caydiidna siyaasad xumo awgeed uu qarsan

kari waayey dabinkaa ummadda Soomaaliyeed ay dawlad ku sheegtu u dhigayso. 

 

Waxgaradka Soomaaliyeed waxay sidoo kale fahmeen inaan laba dal oo la midaynayo jirin, inaan 

arintu mid dhaqaale ahayn balse ujeedadu ay tahay in Soomaaliya ay noqoto gobol ka mid ah 

Abasiiniya oo Geeska Afrika oo dhan isku balaadhinaysa.

 

Xuseen Caydiid sidii shimbir malabtii ayuu wareega-cadaystay, wuxuuna u muuqday nin jahawareersan 

oo aan fahamsanayn waxa laga hadlayo mar ay BBCdu fursad u siisay inuu dadka Soomaaliyeed ka 

raaligeliyo meelkadhacaa qaran kana toobadkeeno denbigaa uu galay.

 

Haddaba Cabdi Ibraahim Magan xadka Soomaaliya ee la keenayo Bad Weynta Hindiya iyo Badda Cas, 

madaxbannaanida Soomaaliya ee lagu soo duulay iyo kuwa damiirlaawayaasha ah ee Meles Zenawi 

basaasiinta u ah isagoo ka waramaya ayuu wuxuu yidhi:

 

- Xawo iyo nin dhiig lihi ka gubay, xaalka maanta ahe 

- Xilli weeye taariikhdu ay, xiisa leedahaye 

- Xabbad baa dhacaysiyo dagaal, xoog lahoo adage 

 

- Xaqa iyo ninkii baadil wada, way xisaabtamiye 

- Xaliimkaa la jira geesigii, xumaha diidaaye 

- Xaaraamigiyo tuugta waa, xidid baxoodiiye

 

- Nimankaa inay wax u xillayn, Xabashi moodaaya 

- Xigto iyo tolbaan nahay kuwaa, ugu xadraynaaya 

- Xorod iyo wadkii dilahayey, xera u ooteene

 

- Waa dad aan xasaasaha jiriyo, xeerarka ogayne 

- Xayawaannadaa naga dhashee, aan xil garanaynin 

- Xogba kama hayaan raacdaday, u xusulduubeene

 

- Sharafkiyo xornimadeeni bay, xagalwareemeene 

- Xabad-laawayaashaa inkiray, xadadka ciiddooda

- Xays aan da'ayn iyo riyey, xanan u jiidheene 

- Xisku uma shaqayn iyo indhihii, xaadirka ahaaye 

 

- Xasad iyo xaqiir oo dhan baa, laysu soo xulaye 

- Waa xaaba qaadyiyo Iblays, Xayle soo diraye 

- Xannaan iyo Mannaanoow Sharkood, naga xijaab qoonka 

 

Fure:

 

Xawo: himilo, dadnimo, damiir

Xillayn: wax hagaajin, wax la qabasho

Xorod: god naar ah , dab ka dhaxshidanyahay

Xasaase: xasaasi, muhiim ah, khatar ah

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r