Press "Enter" to skip to content

Sabaan ka Sabaan

The largest online collection of Somali poetry

  • Rag sabaan ka sabaan baan

  • Samaantuun badiyaa

  • Haduu saakimi waayo

  • Sariir baan u dhigaa

  • Iska seexo idhaa

  • Haduu saakimi waayana

  • Caanihii hasha Suub baan

  • Saddex goor u lisaa

  • Ku sarriigo idhaa

  • Haduu saakimi waayo

  • Sumalkii rugta joogay iyo

  • Sogobkaan u qalaa

  • Haduu saakimi waayo

  • Siirigii Cadmeed baan

  • Subaggawga badshaa

  • Haduu saakimi waayo

  • Gabadh suurad wanaagsan baan

  • Surrada ugu dhisaa

  • Haduu saakimi waayo

  • Xoolo gooni u soofiyo

  • Sadadaan ku ladhaa

  • Haduu saakimi waayo

  • Seeddow, mood iyo mood iyo

  • Salaantaan badiyaa

  • Haduu saakimi waayo

  • Salaadaan lallabaa yoo

  • Meydal seedo madow iyo

  • Salligaan cuskadaa yoo

  • Sulub eebo ku joogtaan

  • Sarartaa ku dhuftaa

  • Sambabkaan ka baxshaa

  • Markaasuu sellimaa

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r