Press "Enter" to skip to content

Magac Jab

The largest online collection of Somali poetry

  • Nimuu miriray maankii qalbiga mohoraddii nuurta
  • Oo masaxan Quraanbaan u marin magane waa yaabe
  • Adoo deel micnaha uga waduu miim akhriyayaaye
  • Allaa Maaliga buu xuskii muran ka keenaaye
  • Marinkaad tustaabuu derbiga madaxa saaraaye
  • Magacaaga hadalkii xunee mirir ku reebaaya
  • Dib baa looga maagaa intaan uunku kaa maqalle
  • Mar hadduu magaalada dhexgalo xaalku kaa murugye
  • Allaa Maaligee gabaygi waa kaa maroorsamaye
  • Aduunbaa is maax dumiyayoo ceeb u soo mudhaye
  • Aduunbaa sirtiinnii mutuxay aad maldahayseene
  • Maqashiisay aadmiga inaad maanta jilicdeene
  • U miyiri wax badan waanigii maandhow ku lahaaye
  • Waanigii maslaxadiinna wadey maalin iyo Leyle
  • Musuqmaasuq ruuxii bartaan waano kaa maqalle
  • Waydinkii intii madax madow simay majeerteene
  • Waydinkii Malyuumaadka ruux sheegtay midhihiiye
  • Waydinkii is moodmoodi jirey sida Maraykaane
  • Ayaa muruqi aad sheegaysiyo kaa masaxay xoogga
  • Durba yaa mataanaha ku jaray kuguna maansooday
  • Durba yaa Muwaashiga la raro magane kaa yeelay
  • Sidii oori maamuus lahoo joogta milaheeda
  • Oo mudanahedii la diley qaylo laga meerye
  • Durba muusanaw iyo tollaay xaalku kaa mudaye
  • Macaruuf inaad naga heshaan haw malaynina’e
  • Waxba hay maslaxan beri horaan maanka kaa jaraye
  • Afartaa sidii Mayay onkoday mayska daba miisay
  • Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
  • Mudanoow Afloow iyo sidii Muxumud maw yeedhshey
  • webiyadaan ka soo miisan jirey miig ma kaga keenay
  • Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye
  • Macne maleh adduunyada ninkay soori malagtaaye
  • Majeerteen haddii aad tihiin maydhe sharaftiiye
  • Maamuusna waa kala tagteen maanta dabadeede
  • Magtiinuna inay naaqus tahay miinka laga sheegye
  • Maaddiinna uunbaa beryahan laysla marayaaye
  • Gumeysiga madow iyo markaan Moosko dirirayney
  • Markay Warsaw Miiggii cirkiyo keentay Minawaarro
  • Marsadii Berbera iyo illaa marinka Haadaamo
  • Yaa Maali-jirayeey markay ciiddu murugootey
  • Nin waloo mucaaridi markuu dan u muraaqooday
  • Waydinkii cadaawii na miray gees la soo maraye
  • Waydinkii mashiinnada gubiyo madhixi noo yiille
  • Waydinkii masaakiiinta iyo laayey maatada’e
  • Asalkiinnu meeshuu ahaa waydinkii maraye
  • Waydinkii matuuxsaday wallee meheraddiiniiye
  • Seyidkii midhkuu sheegi jirey maanta la ogaaye
  • Mabda’ nimaan lahayniyo la barey Maxay-Saleebaane
  • Inse maqnaanshihiinnii la tebey haw malaynina’e
  • Micne dawladeed iyo qabiil kala mid weeyaane
  • Haddaan Diini magantiisa nahay ama Mariixaanba
  • Nama midab-gumeystee xaquu noo Mitiriyaaye
  • Waxan nahay mataaniyo dad aan kala maqnaanayne
  • Mid uunbaa wax maamuli lahaa labada meeloode
  • Haddaanse mawd i helin taasi waa mehered ii taalle
  • Kuuma muuqatee tiinnanaa muran ka joogaaye
  • Murtadkiyo Amxaaraha anaga kabaha noo maydha
  • Allaa Maaliga ee waydinkaa mooyahaw tuma’e
  • Muslinnimona waa kala tagteen Macatab mooyaane
  • Afartaa sidii Mayay onkoday mayska daba miisay
  • Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
  • Mudanoow Afloow iyo sidii Muxumud maw yeedhshey
  • webiyadaan ka soo miisan jirey miig ma kaga keenay
  • Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye
  • Macna maleh aduunyada ninkii muran la joogaaye
  • Maskax-xumada iyo caydu waa meheraddiiniiye
  • Iidoor marduuf qaad ah helay kaa martabad roone
  • Intay sharafti maydheen Kufriga uma miciinaane
  • Calankii maqnaa iyo Dhulkii Saynka may marine
  • Ma martiyin amxaarada siduu yahay Majeerteene
  • Moxog diirayaa iyo Hawiye Muufa dubayaaba
  • Waa niman masuul qaadi kara magacna kaa roone
  • Habar Gidirta Mudug joogta iyo Sacadka aad maagtay
  • Murursadiyo Caydhiyo Abgaal mudane weeyaane
  • Waa niman halkaas aad marteen maro ka saarnayne
  • Waa niman midnimadooda jecel midhaha Soomaale
  • Waxba hays marmarin waa dad aan kula masoobayne
  • Ugaadeen dhulkiisuu mulkiyey kii malgaad tahay
  • Ma ay mooga ceebtaad shalay ugu miciinteene
  • Waad mala habowdaye ayaga ma aydun maagteene
  • Madfac bayba kula goobayaan meel fog kaa dila’e
  • Ninkiise marinka seegaa khalqiga ways miyiriyaaye
  • Idinkuna majeerteen shafkaad soo mutuxaysaane
  • Wixiinuba macaac kama duwana lala mashquulaaye
  • Kuwanaan bahday moodayiyo muranku waa beene
  • Ninka Moosko joogaad tahee muusanow kicinne
  • Hartinnimadu meeshay ahayd waydinkaan marine
  • Afartaa sidii Mayay onkoday mayska daba miisay
  • Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
  • Mudanoow Afloow iyo sidii Muxumud maw yeedhshey
  • webiyadaan ka soo miisan jirey miig ma kaga keenay
  • Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye
  • Soomaali waa mide waxaanad meel u kala geynin
  • Waxanad magac qabiil iyo hayaay ugula meeraysan
  • Waxanad mudanayaalbaa la diley noo maqmaqashiinnin
  • Mabda’iina waan wada ognahay aad maldahaysaane
  • Macaruuf inaad naga heshaan haw malaynina’e
  • Waxba hay maslaxan beri horaan maanka kaa jaraye
  • Inkastood colaad maamushood wax is mihiibsiiso
  • Inkastood kufriga Moosko iyo Minilik soo raacdo
  • Inkastoo hub magac weyn leh iyo miigba lagu siiyo
  • Inkastaad magaalada qandala oohin kula meerto
  • ma adaa malkada caabudwaaq miig ku tegi doona
  • Sow inaan mataanaha ku jari miinka kuma taalo
  • More lagu gartiyo midu ku yaal magaca saynkoodu
  • Mawluhu ma soo rogin Illeen calan majeerteene
  • Nacasnimada maarowdey waa meheradoodiiye
  • Waxan mudannay maamuus-darriyo ceebti lagu maydhay
  • Qabiiloyinkays madhiyey iyo meydki tira beelay
  • Wixii geesi magac wey lahaa dhiiga laga miiray
  • Dhulkii deyrka lagu meeriyee laysku mari waayey
  • Anaa mahan leh meeshaas ha degin murugadii joogtey
  • Masuulkaba ninkii looga dhigay maamulkiyo ciidda
  • Meydkii rashiid ee la yidhi Mudug ha loo qaado
  • In xabaashi maal loogu gaday cidi ma moogayne
  • Nin maqliyo nin meeshaba fadhiyey midhaha soomaali
  • Mudaniyo marwaba maalintaa laga madoobaaye
  • Intaasaa mataal noogu filan meheraddiinniiye
  • Muraadkaa ku toos Awgayoow hay makeekiyine

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r