Waa gabay uu abwaanku isku difaacay mar ay haweenay u qabsatay wax Alla wixii godob ahaa ee ay Daraawiish ka tirsanaysay. Waxay ku eedaysay inuu col galaa-bixiyey oo uu qoyskeeda caydh iyo dawarsi baday kadib markii uu rag badan ka laayey xoolo badanna ka qaaday isagoo Daraawiish hor kacaya. Haddaba isagoo haweenayda tusaalaynaya una sheegayana inuusan mas’uuliyadeeda qaadi karin dhibkay Daraawiishi ku fashay raaskeeda ayuu Darwiishku yidhi:
Gelin dhexe xalaan Maxamadow, geyrtay oo kacaye Gam’ina waayey hadalkay i tidhi, gacallow naagtiiye Adigay gabley tidhi markaad, gaaska wadateene
Waxay tidhi adaa igu gondolay, garangartaan iile Waxay tidhi aday guridhigoo, ma lihi gaadiide Waxay tidhi adaa gelengel tubay, garayartaydiiye
Waxay tidhi guyaalkii adaa, gaajo ii dilaye Waxay tidhi gurboodkii adaa, geesaha dhigaye Guhaadeeda aan jirin bal aan, gabay ka soo qaado
Gumburo iyo Cagaarweyne iyo, geedkii Daratoole Goobtii Jidbaaliyo Xargaga, guuldarradii joogtay Gembigii ka dhacay Ruuga iyo, gudurigii haagay
Gabooddeeda Beerdhiga wixii, la isku gooraamay Maydkii gabraday seerigay, Good ku tumanaysay Gawarkaad maraysaba laftaad, galayaxaa mooddo
Ogaadeenka gaanka ah wixii, geydho laga qaaday Iiddoor cayuun godan wixii, gelin la waydaarshay Shirshooraha gudbani cayrdh, wuxuu gorof la meeraystay
Gadhcas iyo Majeerteen wixii, guuyo laga dhaarshay Gob ninkii ahaan jirey wuxuu, gibil madoobaadey Giddigiis naflaa’iga wixii, gobolba meel aaday
Dayuuradaha gowliyo wixii, samada guuraayey Daarihii gelgelintaa noqdiyo, gebiyadii ciiray Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay, dunida guudkeeda
Gembiyo jahaadkii arlada, gaday wixii joogay Gaaliyo Daraawiish wixii, uunka kala gaadhay Keligey ma wada geysannine, la isku geeryooye
Geyigii rogmaday oo dhan baad, guudka ii sudhiye Waxbana hay gurraynine dembaad, galabsanaysaaye Gartaa maaha naag yahay inaad, ii gilgilataaye
Gashi kaama qabo oo ma layn, gabannadaadiiye Gambana kaama furan baan u fili, gulufyadaydiiye Naa gefkiyo beenta daa yaadan gelin, godadkii naareede
Be First to Comment