Press "Enter" to skip to content

Ina Looti

The largest online collection of Somali poetry

 
Ina Looti wuxuu ahaa nin gabyaa ah oo xilliggii Raage Ugaas noolaa.
Wuxuu ahaa ninkuu Raage markii la weydiiyey Soomaali qofka ugu 

gabay badan xusay ee yidhiIna-Looti baan la hinjin karin, heeladkuu dhigaye. Wuxuu ka dhashay laf-hoosaad tiro yar hase yeeshe tol balaadhan ku abtirsata. qolo ay degaan wadaageen oo qabiil kale ah ayaa colaadintooda iyo dhicidooda ka durduurtay. Markuu adkaysan waayey ayuu ku tashaday inuu hiil doonto.

Wuxuu aaday Bari iyo boqortooyadii hormuudka uu u ahaa Nuur Cismaan. Tolkaa hadduu dhex tagay ayuu gabaygan ku dana sheegtay. Wuxuu yidhi:

  • Tub-dheer looma diro aniga iyo, taag wixii le’ege

  • Tiiraanyo iyo tawsi waa, taan la soo kacaye

  • Tixda dhegeysta waaheenka waan, idin taraarsiine

  • Haddey niman tunkiyo na qabsadeen, adhaxda tooskeeda

  • Oy nagu tilaaseen colaad, taako dami weydey

  • Tol la’aan dheh ciilkiyo tashiga, nagu tabaaloobey

  • Tiro yari dheh niman taadaxaan, aanadood togane

  • Haddaadse adigu tabaraysatoo, taabbo-qaad noqotay

  • Tuhmigu ha haree ma aad na tidhi, idinma taageerin

Waa loo hiiliyey oo wuu adkaaday xoolona kuwii laga dhacay iyo kuwo ka badanba wuu taabay, gabay nasiib darro aanaan haynin ayuu tiriyey gabaygaas oo uu arartiisa awr ku raray isagoo ku bilaabay:

  • Aabeeyeyeey gabay haddaan, awr u soo qabane

  • Arrumayeey haddaan caynka iyo, bayda u adkeeyo

  • Gibil-xeerka saan ugu akido, waaba la ogaane

  • Aleesha iyo reexaanta waa, la arki doonaaye

Marka uu tilmaamayo in inkastoo uu qolo yar yahay haddana uu qabiil weyn dusha ka sii yahay wuxuu macnihiisu yahay maah-maahda soomaalida ee ah “Uur-jiif habartii ku gawracan” wuxuu yidhi isagoo taa sifaynaya:

  • Uurjiifku hooyadii godkuu, la ajaloodaaye

  • Ninba adhaxdi meel buu la yaal, aynigey tahaye

  • Maxay ku arrinsheen laba Bahood, idil haddey dhaaftay

ayuu kusoo gabagabeeyey.

Tixhaha iyo taariikhda ku milanba waxaa nasoo gaadhsiiyey Maxamed Aadan Ciiraale. Mahadsanid Maxamed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r