1.Dheeweed wixii kiciyey waa, kulanka Daaroode
2.Haddaan aabihii kaligi dhalin, laguma kiiseene
3.Ma anigaa nin lagu soo kasba ah, wiilka kaligiis ah
4.Kuftin lawga kaa gaadhay iyo, kalimaddii waalid
5.Kabba subaga iyo kaama tago, kicin abeesaade
6.Dhaaxaan kashiga kuu furoon, kuu karriin tiraye
7.Oon kuu karmoonaa sidii, kabashlahii awre
8.Haddaanan kooraweyntiyo nirgaha, meel isugu keenin
9.Oon koobba weynow ritigu, doobta laba kaabin
10.Kooxyar baad i mooddaye haddayn, kuman ku soo aadin
11.Kabaabada kobtaan dhigo haddaan, layga kicin waayin
12.Uustar lagu kadeedmiyo haddaan, kaab-caddahu reemin
13.Sidii kaalin aar galay haddaan, layga kala luudin
14.Kolbaan nabad ahayn iyo haddayn, ko’gaydu kaa yeedhin
15.Ku rogaay dagaalkii haddaan, laysku kari waayin
16.Kufri loo dacwoodiyo haddaan, Karanle loo yaacin
17.Haddaan kibirka Reer Faaraxdiyo, keeda la illoobin
18.Kaad i moodday baan ahay haddaan, laysku kululaanin.
Be First to Comment